Murashax Madaxweyne Somalia Sakariye Max’uud Xaaji Cabdi iyo Khudbadiisii Golaha Baarlamanka DAAWO
Muqdisho 03. February 2017 (SDN/QJ):- Waxaa Shalay khudbadahooda ka hor jeediyay xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ilaa 7 musharax oo ka mid ah 24 musharax ee u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya, waxaana ugu horeyn khudbadaha bilaabay Sakariye Max’uud Xaaji Cabdi.
Zakariye Maxamud oo ugu horeyn sheegay in uu xoogga saari doono Amniga, Midnimada, Muwaadinnimada iyo dhismaha dowlad casri ah.
Musharax Sakariye waxaa uu sidoo kale ka hadley in uu ku dadaali doono dhismaha ciidanka, dastuur tayo, cilmi iyo Tecknoljiyad, isagoo hadalkiisa ku soo gabagabeeyay in dowlada Itoobiya iyo Kenya uu sheegay in ay faragelin ku hayaan Soomaaliya aaney na jebin Karin balse ay lugooyo wadaan
Sakariye ayaa yiri musharixiinta waxaa ay isugu jiraa saddex qeybood oo kala ah’’ In dooro aan ku dillee’’ In dooro aan ku dayaceen’’ iyo Idooro aan ku daryeelle, isaga oo sheegay in uusaga ka mid yahay qeybta danbe ee ah [Idooro aan ku daryeellee]