Murashax Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo Cadeeyay In Doorashada Maanta uu Ka Dareemayo Musuq Maasuq Balse Muujiyey Keni adayg Siyaasadeed
Muqdisho 08. February 2017 (SDN/QJ):- Musharaxa Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo ka mid ah musharaxiinta u taagan doorashada madaxweynaha Somalia oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay doorashada Madaxweynaha ee Maanta oo Arbaco ah ka dhaceysa caasimada dalka.
Shiikh Shariif ayaa niyad wanaag ka muujiyey doorashadan oo ay ku tartamayaan 22 musharax oo isagu uu ka mid yahay, wuxuuna xusay inuu rajaynayo in doorashadan ay noqon doonto mid taariikhi ah oo horseeda isbedel ku yimaada hogaanka dowlada Somalia.
Waxaa uu qiray iney jiraan masuq-maasuq iyo wax isdaba marin badan oo doorashada saameyn badan ku yeelanaya, isagoo ku baaqay in haddii aan meesha laga wada saari Karin in la yareeyo ugu yaraan.
Musharaxa Shiikh Shariif ayaa sheegay in dalka ay ka jiraan xaalado badan oo adag, loona baahan yahay isbedel dhab ah in lagu sameeyo hogaanka hadda jira.
Shiikh Shariif oo ka mid ah musharaxiinta loo saadaalinayo iney ku soo bixi karaan doorashada Madaxweynaha ee beri dhaceysa ayaa dhinaca kale ka hadlay abaaraha ba’an ee ka jira qeybo badan oo ka mid ah dalka, wuxuuna ku baaqay in cid kasta oo awoodi karta gudaha iyo dibeda ay gurmad ballaaran u fidiyaan dadka ay saameeyeen.
Shariif oo shirkiisa jaraa’id ku soo koobay hadal shan daqiiqo soconayey ayaa sheegay inuu rajo badan ka qabo inuu ku soo baxo doorashada Maanta ka dhaceysa magaalada Muqdisho oo si weyn loo wada sugayo.