Murashax Jamaal Cali Xuseen oo Xisbiga KULMIYE uga digay Burburkii UDUB oo kale, kana hadlay qodobbo kale
Hargeysa, 29 Sep 2015 (SDN/QJ)- Musharraxa u taagan Jagada Madaxweynaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen, ayaa ka digay in burbur la mid ah kii uu Saaxadda Siyaasadda Somaliland kaga baxay Xisbigii ugu da’da waynaa Axsaabta Siyaasadda ee UDUB ay ku dhacdo Xisbiga talada haya ee KULMIYE oo Loollan adag oo Siyaasadeed ka dhex-taagan yahay Siyaasiyiinta Jagada Musharraxnimada Madaxweynaha KULMIYE doonaya inay ugu dhex-tartamaan KULMIYE.
Jamaal Cali Xuseen waxa uu waalli iyo marin-habaabin Xukuumadda KULMIYE ku jaho-wareerinayso Shacabka Somaliland ku tilmaamay Xadhigga Suxufiyiinta, Madax-dhaqameed, Shacabka iyo Fannaaniinta ka tirsan Xiddigaha Geeska, kuwaasoo ay labadii toddobaad ee u dambeeyey Xukuumaddu ku kala xidhay inta badan magaalooyinka Berbera iyo Hargeysa. Waxa uu Jamaal Cali Xuseen sheegay inaanay dembi in cid loo xidho Xamar baad tagteen, sababta oo ah waxa uu xusay inay Xukuumadda talada Somaliland haysaa waddanka Turkiga kula saxeexatay dawladda Federaalka Soomaaliya qodob dhigaya in isu-socodka labada Bulsho mubaax ama fasax tahay.
“Waxaan odhan lahaa uun maaddaama oo Xisbigu Golo dhexe leeyahay, maaddaama oo Xisbigu nidaam sharci leeyahay inay waxooda si nabad ah u dhammaysteen ayaan kula talin lahaa oo aanay dalka wax fawdo ah gelin. Xisbiga talada hayaana ha ogaado cid kasta oo ku tartamaysa in Sumcaddii Xisbiga ayaa lagula tartamayaa oo maanta ninka KULMIYE ka tartamayaa marka uu ku raaco (Xukuumadda) in Haamaha la iibiyo ama Hantidii kale ee dalka la xaraasho kollay waa mid meel u taalla illeen Shacabkan buu cod ka doonayaa hantidoodii la iibinayee.” Sidaa ayuu yidhi Jamaac Cali Xuseen.
Jamaal oo talo u soo jeedinaya Siyaasiyiinta ku hirdamaya Musharraxnimada Madaxweynaha iyo Hoggaaminta Xisbiga KULMIYE, waxa uu yidhi; “Markaa, waxaan leeyahay Shirka Golaha dhexe haku dhex-tartamaan (dadka damaca lihi), Buuqan, Qayladan iyo Burburkanna haka daayaan. Xisbigu inuu burburana ma oggolin oo wax dalka u fiican maaha. Xisbigii UDUB ee waynaa ee aynu ogeyn wuxuu ku burburay khilaaf iyo damaca Rag gaar ahi leeyihiin oo ay ku talo-galeen hadday tooda waayaan inay Xisbiga Burburiyaan sida ay hore-ba u qirteen, markaa inay taasoo kalena KULMIYE ka dhex-dhacdo ma jeclin.”
“Anigu waxaan u arkaa uun arrimahan dhacaya ee dadkan la xidh-xidhayo, Weriyeyaasha la xidh-xidhayo, Madax-dhaqameedka la xidh-xidhayo, immikana Fannaaniintii-ba loo soo dhigtay Xiddigaha Geeska. Waxaas oo dhani waxay tahay dambabbas lagu qarinaayo Boobka iyo Hantidii la lunsaday oo dadka lagaga jeedinayo. Anigu waxaan u arkaa dadkuun baa la doonayaa in la majara-habaabiyo. KULMIYE waxaa wuu yaqaannay weligii-ba, laakiin annagu waannu la fahmaynaa, waanannu garanaynaa ujeeddada halka ay u socdaan.” Sidaa ayuu yidhi Musharrax Jamaal Cali Xuseen oo shalay Waraysi siiyey Horn Cable TV.
Waxa uu Musharrax Jamaal waxa uu tallaabada ugu waalan ee Xukuumaddu toddobaadyadan ku kacday ku tilmaamay Xadhigga Fannaaniinta ka tirsan Kooxda Xiddigaha Geeska, waxaanu yidhi; “Arrinka ugu waalani waxa weeyaan, Fannaaniinta Xiddigaha Geeska oo lagu haysto Xamar baad ka soo dhigteen Shaw (Bandhig-faneed), waar Siyaasiyiinta dawladda KULMIYE ka tirsani iyagaa Xamar u dhuunta, qaarkood baa Guryo ku leh oo aannu ognahay. Maaha inay dadka waalaan oo ay dhalinyarada ku qabsadaan Xamar baad tagtay. Xamar goormay noqotay dembi, sawkuwii ay iyagu saxeexeen ee Heshiiskii ay Turkiga ku wada galeen Somaliland iyo Soomaaliya uu ku jiray qodob ay saxeexeen oo odhanaya isu-socodka dadku waa mubaax!? Waar ma iyagaa waalan mise Cadan baa laga heesayaa, waar dalka fawdada ka daaya baan leeyahay.”
Jamaal Cali Xuseen waxa uu soo dhaweeyey inay Xukuumadda Somaliland wadahadal la saadaalinayo oo aan weli furmin la bilawdo Kooxda Khaamtumo, waxaanu yidhi; “Waan soo dhawaynaynaa, waxaan u baahannay in dadka Somaliland oo dhan lala hadlo, la isu soo dhawaado, dadku way wada walaalo noqdaan, aad baannu u soo dhawaynaa, aad baannu u taageersannahay in Khaatumo lala hadlo iyo cid walba oo reer Somaliland ah lala hadlo. Siyaasadda arrimaha guduhu waxay mar walba Sawir buuxa u tahay Siyaasadda arrimaha dibedda, waana sababta keentay maanta in Siyaasaddeennii arrimaha dibeddu Faashil tahay.”