Murashax Cumar Cabdi Rashiid Cali Sharmaarke oo Ka Tanaasulay u Tartanka Jagada Madaxweynaha Somalia & Cida uu Fursada u Baneeyay
Muqdisho 08. February 2017 (SDN/QJ):- Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa shaaca ka qaaday inuu ka tanaasulay doorashada xilka madaxweynaha Soomaaliya ee ka socota magaalada Muqdisho.
Sharmaarke ayaa ka mid ahaa afarta musharax ee usoo gudbay wareegga labaad eee doorashada.
Cumar Cabdi Rashiid ayaa Markii uu Sheegay inuu Ka Tanaasulay Xilkaas Wuxuu Si dareen leh u Gacan qaaday Murashax Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.
Waxa uu tilmaamya R/Wasaaraha in uu go’aansaday in uu tanasaulo kana haro tartanka, waxa uuna si kaftan ah u sheegay in uu dareemnayo guuxa Xildhibaan iyo cida ay dooranaan, taa oo si kala duwan loo fasirtay.
Waxaa hadda wareegga labaad kusoo haray saddex musharax oo kala ah Xasan Sheekh Maxamuud, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Shariif Sheekh Axmed. Wareegga labaad ee doorashada ayaa la filayaa inuu goordhow billowdo.