|

Murashax Cabdi Casiis Samaale oo Shir dareeno dhaliyey la qaatay Gudida Horumarinta Degmada Wajaale

Hargaysa 01.Nov 2015 (SDN/QJ)- Waxaa habeenkii xalay kulan Gaara oo Albaabadu u Xidhan Yihiin Yeeshay Gudida Horumarinta Degmada Wajaale Badhasaab Ku Xigeenka Gobolka gabiley iyo musharax c.casiis samaale oo ilaa shalay galinkii danbe ku sugnaa magaalada wajaale, waxaana kulanka oo saacado badan qaatay lagaga wada hadlayey sida ay ilo-wareedyo xogogaal ahi sheegeen Sidii Ay Ka Gudi Ahaa Isku garab taagi lahaayeen musharax c/casiis samaale, iyadoo uu goob joogna ka ahaa badhasaab ku xigeenka gobolka gabiley Cali Case, iyo qodobo kale oo ay kamid yihiin horumarinta degmada wajaale, dhammaystirka dhinaca wadooyinka dhexmara magaalada wajaale.
Waxaana wararku intaasi ku dareen in wakhti dheer oo uu qaatay kulankani aakhirkii laysla meel dhigay taageerada musharaxa iyo sidii ka gudi ahaan ay hawshaa uga qayb qaadan lahaayeen, Gudida Horumarinta Degmada Wajaale Oo Bishii u Danbeysayba Khilaaf Xoogani ka Dhextaagnaa Maamulka Degmada Gaar Ahaan Maayirka magaalada Wajaale mr Shiine Iyadoo sababta khilaafkaasi uu ahaa in sifooyin khaldan ay u isticmaaleen lacagta horumarinta degmada ee ay shacabku wakiilka uga dhigteen isla markaana ka dhareeyeen wadashaqayntii maayirka fulina waayeen talooyinka maayirka, Si Kastaba ha Ahaatee Gudida Horumarinta Degmada Wajaale Ayaa Waxaa Aas-aaskeeda iyo sameynteedaba lahaa wasiirkii hore ee maaliyada c.casiis samaale oo dhidibada u taagay, waxaana dadka inta badan la socoda dhaqdhaqaaqa horumarineed ee degmada wajaale sheegeen in taasi ay u sabab tahay in ay is garabtaagaan musharaxa c.casiis samaale.
Arritan ayaa u muuqata mid caqabad ku noqonaysa horumarintii degmada iyo dhaqaalahii degmada ee dadka shacabk ah laga ururiyey mid dad gaar ahi u adeegsanayaan arimo gaara oo siyaasadeed oo ka hor-imaneysa dhismahii degmada iyo inay hirgalaan qorshayaasha dhismaha wadooyinka ee degmada dadka ku nooli dhibaatada ka mutaan wakhtiga roobku da’o inay dhex lugeeyaan.

Comments are closed