Murashax C.raxmaan Cirro Oo Mar Labaad Balan Qaad Culus U Sameeyey Ciidamada Qaranka Somaliland Kana hadlay Mushkilada ka taagan Dekeda Berbera DAAWO
Hargaysa 14. September 2017 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ahna Murashaxa Jagada Madaxweyne Mudane C.raxmaan Maxamed C.laahi Cirro ayaa Waxa uu Mar labaad ku Celiyey Balanqaad sas ku riday Xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiye oo ku wajahan inuu Lacag badan u Kordhin doono Ciidamadda qaranka Somaliland hadii uu hogaaminta dalka ku guulaysto.
Mudane C.raxmaan Cirro Waxa uu iftiimiyey dhaliilaha muuqda ee Xisbiga Kulmiye ku rabo inuu cod kaga helo Shacabka Somaliland ee duruufaha adagi maanta noloshooda la soo darseen sida uu yidhi.