Murankii Ugu Adkaa oo Soo Kala Shax galay Dowladaha Mareykanka iyo Ruushka & Eedaymo la Isu Jeediyay
Washington 09. April 2017 (SDN/QJ):- Dowladaha Mareykanka iyo Ruushka ayaa mar kale waxaa soo kala dhax galay xiisad siyaasadeed oo ka dhashay Weerar culus ay Dowlada Mareykanka ku qaaday saldhigyo ay leeyihiin Ciidamada dowlada Siiriya .
Saraakiil katirsan dowlada Maraykan ah ayaa sheegay in 59 gantaal oo ah nooca Toma-hawk laga soo riday markab ciidanka badda ee Maraykanku leeyihiin oo fadhiya badda Mediterranean-ka lala beegsaday saldhigyo ciidamada Siiriya lahaayeen.
Goobaha duqeynta Maraykanka lagu garaacay waxaa ka mid ah garoon ay ciidamada cirka ee Suuriya ku leeyihiin magaalada Homs, halkaasoo Maraykanku uu sheegay in dayaaradaha dagaalka ee Suuriya ay ka qaadeen weerarradii hubka kiimikada ee dadka badan lagu laayay.
Weerarkan ay fulisay Dowlada Mareykanka ayaa xumeeyay xariirka Dowladaha Siiriya iyo Ruushka, waxa ayna dowlada Mareykanka ku hanjabtay in ay sii kordhin doonaan weerarada ka dhanka ah ciidamada Siiriya.
Kulani deg deg ah ay yeesheen golaha Amaanka ayaa safiirada dowlada Mareykanka u fadhisa Qaramada Midoobay Nikki Hale ka sheegtay in Mareykanka uu fuliyay duqeymo ka dhan ah ciidamada Siiriya, waxa ayna tilmaantay in diyaar u tahay Dowladeeda in ay qaado tilaabooyin kale oo lama huraan ah.
Ku xigeenka safiirka Ruushka ee Qaramada Midoobay, Vladimir Safnonkov, ayaa talaabadii uu Maraykanku qaaday ku tilmaamay xadgudub cad oo lagu sameeyey shuruucda caalamiga ah, kuwaasoo cawaaqib ba’an ku yeelan kara gobolka.
Dowlada Ruushka ayaa sheegtay in ay in ay joojinayo heshiiskii uu Maraykanka kula jiray ee ahaa in laga hortago isku dhac kama’ ah oo dayaaradahooda ku dhex mara Suuriya, waxaana arintan sabab u ah weerarka ay Dowlada Mareykanka qaaday.
Waxaana laga cabsi qabaa in uu sii xoogeesto Xiisada ka dhax aloosan labada dowladood, Dowlada Ruushkla ayaana taageerta dowlada Siiriya waxa ayna garab ku siineysa dagaalka ay kula jiraan kooxaha Mucaaradka halka Dowlada Mareykanka taageereyso mucaaaradka qaarkood.