|

Murankii la xidhiidhay Danta Guud ee u dhexeeyey Xil. Nac-nac iyo Maayarka Caasimadda Oo Meel Xaasaasi ah Gaadhay

nacHargeysa :27-july-2013 (SDN)Iyadoo maalmihii ugu dambeeyey ay jireen Warar Hoose oo sheegayey Khilaaf daran oo soo kala dhex galay Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nac-nac) iyo Golaha Deegaanka Hargeysa, ayaa waxa maanta si cad Eedo la xdhiidha dhul Dan guud ah isku weydaarsaday maayarka Caasimadda Hargeysa iyo Xildhibaan Nac-nac.

Ugu horrayn Xildhibaan Nac-nac oo ka mid xubnaha Golaha Baarlamaanka Somaliland ee sida weyn ugu dhaw Madaxtooyada, ayaa diirka ka qaaday xudunta khilaafkan u dhexeeya isaga(Nac-nac) iyo Golaha Deegaanka caasimadda Hargeysa.

Xildhibaanka  oo arrintaa ka hadlayaa ayaa yidhi, “maan arag anigu meel uu madaxweynuhu  ee Deegaanka A/dhagax igu  siiyey,Dan guudna waa dan guud Mayorkii horena waanu kala hadalnay oo wuu ogoladaaday, nimankana(Golaha deegaanka Hargeysa) waxan ku idhi wixii uu mayorkii hore noo qoray keenna, iyaguna waxa ay yidhaahdeen keeni maynee kii hore keen”

Xildhibaan Nac-nac oo markale ka hadlaya arrin uu sheegay inuu Dadka Deegaanka Waddada Balligubadle ka soo baxay, ayaa yidhi, “Waxa aan doonayaa waa dantiii guud ee Beerahaa dhex maraysay, dadkuna waxa ay yidhaahdeen maadaama ay dantii guud tahay wadadayadaanu ku dhisanaynaa, wixii ka soo hadhaana waa Iskuul, malcaamad, Garoon iyo Cusbitaal.”

Dhinaca kalena maayarka caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (soltelco), ayaa Eedo u soo jeediyey xildhibaanka, isagoo ku eedeeyey inuu ku jiro shaqo aanu lahayn, islamarkaan uu cunaha kaga duuban yahay hawlihii dawaladda hoose loo igmaday, waxana uu yidhi, “ xildhibaan Nac-nac intuu dadkii beerahaa Deganaa u tegey ayuu ku yidhi, Dhulkii danta Guud kala badhna qaata, kala badhna aniga (xil. Nac-nac) igu wareejiya, xildhibaankuna waanu garanayn waxa loo doortay, danta guud iyo arrimaha dhulka waxa loo doortay Dawlada Hoose.”

Maayarka Caasidda ayaa sheegay inaanu cidna uga haybadaysanayn Hawwlaha Dawladda hoose ee loo igmaday, waxana uu si cad u sheegay inaanu xildhibaan Nac-nac ugu tarsheegan jirin hogaanka maanta dalka ka taliyo oo uu tilmaamay inuu isaguba ka dhex dhashay xisbiga kulmiye, waxana uu yidhi, “Hargeysa anigaa ka maayar ah Axmed dhagaxna anigaa u maayar ah M/moogana anigaa u maayar ah, Haddii uu maayar  jiciir ugu hanjabi jirey Waxad tahay Mayar Udub ah, anigu waxan ahay mayar Kulmiye ah, taana iigu hanjabi maayo anigi Nac-nac”

Dhulkan Danta Guud ee muranku ka taagan yahay ayaa ku yaalla Koonfurta Xaafadda A/dhagax oo ay marto waddo in muddo ahba halkaa ka socotay oo qabata dhinaca magaalada Baligubadle.

 

Somalidiasporanews.com

Axmed Cumar Axmed (timo)

Hargeysa Somaliland.

Mawliidguure@yahoo.com

 

Comments are closed