Muranka maxlalka Mashaariicda Diiwaan gelinta!!!
Hargaysa 08.Sep 2014 (SDN/QJ)- Waxa soo fool leh waqti qorshuhu yahay in la qabto, doorashooyinkii Madaxtooyadda iyo Baarlamaanka. Weli ma kala cadda siday u kala horayn doonaan iyo in mar la wada qaban doono midna, balse waxa lagu wada dhadhabayaa in doorashadu xiligeedii dhacdo. Dhinacyada ay khusayso sida xisbiyada iyo xukuumadda mid kastaaba wuxuu ku dhawaaqayaa inuu doorashada diyaar u yahay. Daneeyayaasha somaliland hirgelinta dimoqraadiyada ka taageeraana ishay ku hayaan dhacdooyinka gudaha ee la xidhiidha doorashooyinka. Waxay sheegeen inay diyaar tahay kaalmadii dhaqaale ee ay somaliland kaga saacidi jireen dhinaca doorashooyinku, gaar ahaan kharashkii lagu samayn lahaa diiwaan gelinta cod bixiyayaasha, oo la’aanteed aanay qabsoomayn doorashadu. Hase yeeshee, haatan waxa aloosan khilaaf ka dhashay diiwaangelinta madaniga ah iyo diiwaan gelinta codbixiyayaasha, oo xukuumaddu isku dartay, mucaaridkuna ay ka soo horjeedaan kuna doodayaan in la kala saaro oo aanay is xambaari karin.
Hadaba, lafa gurka mawduucan waxaynu ku eegi doonaa; siyaasadda xukuumaddu ay ka leedahay diiwaan gelinta madaniga ah, doodda mucaaridka ee lidka ku ah, waxay ku kala duwan yihiin labada diiwaan gelineed ee madaniga iyo cod bixiyayaasha, sababta loo arko in xukuumaddu isugu mishay, heshiisyadii hore looga gaadhay ee haatan lagu dul tumanayo, xidhiidhadii iyo wada xaajoodyadii ay mashruucaa ka yeesheen mulkiilayaasha siyaasadda iyo daneeyayaasha caalamiga ahi, xeerka isku milanka labada diiwaan gelineed ee xukuumaddu u gudbisay Golaha Wakiiladda, dhaliilaha loo tirinayo, ma run baa in xukuumaddu diyaar u tahay doorashada?, maxaa qarsoon?, halkee khaladku jiraa?, yaa raad gadanaya, yaase runta u dhaw?, ma jiraa musuq dhaqaale oo diiwaan gelinta madaniga ah ku lamaani?, maxaa xiligan loogu soo simay?. Qodobadaa iyo qaar kale oo ku lamaaniba waa kuwa ugu muhiimsan ee salka falanqayntan, si loo iftiimiyo xaqiiqadda mooshinkan.
Heshiisyadii hore
Wada xaajood laga yeeshay mashaariicda diiwaan gelinta madaniga iyo cod bixiyayaasha, kadib waxay Wasaaradda arrimaha gudaha, komishanka doorashooyinka iyo sadexda xisbi qaran, wadajir u gaadheen heshiis, kaasoo loo diray gudiga kobcinta dimoqraadiyadda ka taageera somaliland, ogaysiin ahaana loogu diray xafiiska Madaxweynaha somaliland. Is fahamkaa ay gaadheen waxa saxeexay, wasiirka daakhiliga Cali Maxamed warancadde, Gudoomiye ku xigeenka gudiga doorashooyinka Cali Khadar Xasan iyo sadexda gudoomiye ee sadexda xisbi ee Kulmiye, Ucid iyo Waddani.
Sida ku cad qoraalkaa waxay dhinacyadaasi isla qaateen, in haddii laysku xidho labada diiwaan gelinood ee madaniga iyo codbixiyayaasha, ay qaadanayaan waqti dheer, taasina ay dibu dhac ku keenayso diiwaan gelinta cod bixiyayaasha, isla markaana ay taasi horseedayso doorashadu in aanay ku dhicin waqtigeedii. Waxa kale oo ay dhinacyadaasi isla waafaqeen, in dhaqso loo taageero, loona sameeyo labadaa diiwaan gelinood oo kala madax banaan oo is barbar socda, iyadoo aan la dhayalsanayn ujeedooyinka diiwaangelin madani ah oo waqti dheer qaadata, looguna guulaysto arrimaha haatan taagan iyo doorashada cod bixiyayaasha si doorashadu ugu dhacdo waqtiga loogu tala galay oo ah june 2015. Mar kale ayay dhinacyadaasi heshiis wadajir ah oo labada diiwaan gelinood ku saabsan isla qaateen sept.18.2013. isla markaana waxa heshiiskaa saxeexay, wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha Cismaan Garaad Soofe, gudoomiyihii hore NEC Ciise Xamari iyo sadexda gudoomiye ee sadexda xisbi qaran. Qodobada laysla qaatay ee qoraalkaa ku cadna waxa ka mid ah;
– In labada diiwaan gelineed ee madaniga iyo codbixiyayaashu ay muhiim u yihiin horumarka wadanka iyo jiritaanka nidaamka siyaasadeed ee dalka-
– In diiwaangelinta cod bixiyayaashu ka madax banaanaato ta madaniga ah, isla markaana waqtigeedu aanuu ku xidhnaan ta madaniga ah. Taasina ay kala saarayso awoodaha wasaaradda daakhiliga iyo gudiga doorashooyinka.
Heshiisyadaa kadib
Inkastoo heshiisyadaa hore loo gaadhay, hadana, haatan meesha kama muuqdaan. Waqtiyadaa kadib wasaaradda Arrimaha guduhu waxay qaaday talaabooyin lid ku ah, heshiisyadaa hore loo gaadhay ee daneeyayaashuna og yihiin. Waxa la diyaariyay xeer isku milaya labada diiwaan gelinood, kaasoo loo gudbiyay wakiiladda. Halkaas waxa ka bilowday muran iyo is maandhaaf weli taagan oo aan sal dhigin. Mucaaridku, waxay xukuumadda ku eedaynayaan inay ka baxday heshiisyadaa hore oo ay qaaday dariiq halis ku ah doorashada. Xukuumaduna waxay taagan tahay, qof kaadhka muwaadinka haysta mooyee qof kale ma codayn karo. Taasoo ka dhigan diiwaan gelinta madaniga ah ayaa horaynaysa, kadibna ta codbixiyayaasha. Haday sidaa u dhacdana macnaheedu waxa weeye doorashadu xiligeedii kuma dhacayso. La soco……….
XIGASHO WARGEYSKA OGAAL