|

Muran Sharci oo Ka Taagan Qaabka Boqolay ee Natiijadii Guddida Doorashooyinka ee Doorashadii Madaxtooyadda & Maxkamadda Sare oo Laba Daran Midkood Dooranaysa!!

Hargaysa 27. November 2017 (SDN/QJ):-Waxaa Dhawrkii Caano maal ee ka danbeeyay ku dhawaaqistii Guddida Doorashooyinka Somaliland ee Natiijadii hor dhaca ahayd ee doorashadii Madaxtooyadda soo baxay khalad ku aadan qaabka boqolay ee Xisbiyadda Ucid,Kulmiye Iyo Waddani ka heleen doorashadii dhacday 13-kii bishan November kaas oo isu gayntiisu uu farqi ka soo baxayo.

Sida uu dhigaayo Xeer Lr.20/2001, Qodobkiisa 66aad, Faqradiisa 3aad, waxa uu odhanayaa:-

(Maxakamadda Sare markay hesho qoraaladda raad-raaca ee xafiiska dhexe ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka, isla markaana hubiso xisaab ahaan iyo sharci ahaan doorashada waxay ansixinaysaa natiijada doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa).

Hadaba waa tan Natiijadii Komishanka doorashooyinka Qaranku ka soo saaray doorashadii qabsoontay 13 bishan oo ahayd sidan:-

Doorashadii Madaxtooyada Somaliland ee dhacday 13- 11 – 2017 (1)

Tirada warqada qaadatay:- 873,331

Tirada kaadhka codaynta qadatay:- 704,089

Tirada codaysay:- 556,617

Tirada codadka gubtay:- 1475 ( 1.85 % )

Tirada codadka ansaxay:- 555,142 ( 98.15 % )

Xisbiga TIRADA CODADKA CELCELISKA %

  1. UCID 23,141 COD 4.17 %
  2. KULMIYE 305,909 COD 55.19 %
  3. WADANI 226,092 COD 40.73%

Fiiro Gaara:- marka aad u gayso codadka gubtay oo ah 1,475 cod, oo ah boqolkiiba 1.85% , tirada codadka ansaxay oo ah 555,142 cod, oo ah boqolkiiba 98.15%, waxa kuu soo baxaysa tirade codaysay oo ah 556,617 cod, oo boqolkiiba boqol kuu soo baxaysaa 100%, waana sida Komishanku ku soo saaray natiijada doorashada.

Habada marka aad isku gayso tirada boqolayda ee xisbiyadu heleen Xisbiga Ucid oo helay 4.17% + 55.19% oo Kulmiye helay + 40.73% oo Xisbiga Waddani ah waxa kuu soo baxaaya 100.9 % , taas oo ay ahayd in ay kuu soo baxdo 100 %.

Inaga oo Qod 66, Faq 3aad, ka duulayna, kaas oo qasab kaga dhigaaya Maxkamada sare in ay hubiso xisaab ahaan natiijada Komishanka doorashooyinka qaranku soo saaray, taas oo ah mid xisaab ahaan qaldan, soo maaha in ay in Maxkamada sare qaado labadan wado mid uun:-

1- In ay Komishanka ku raacdo tiradaas xisaabtaas qaldan.

2- In ay saxdo xisaabtaas qaldan .

Taas oo ka dhigaysa laba daran mid dooro, kana dhigaysa doorashadii dhacday 13 bishan mid, lagu shubatay, mar hadii ay xisaab ahaan isku fadhiisan wayday natiijadii, waxana tusaale u soo qaadanay labadii doorasho madaxwayne ee Somaliland ka dhacay, waana kuwo xisaab ahaan sax ah.

Doorashadii Madaxtooyada Somaliland ee dhacday 14 – 4 – 2003 (2)

Xisbiga TIRADA CODADKA CELCELISKA %

  1. KULMIYE 205,515 COD 42.07 %
  2. UDUB 205,595 COD 42.08 %
  3. UCID 77,433 COD 15.85 %

Doorashadii Madaxtooyada Somaliland ee dhacday 26 – 6 – 2010 (3)

Xisbiga TIRADA CODADKA CELCELISKA %

  1. KULMIYE 266,906 COD 49.59%
  2. UDUB 178,881 COD 33.23%
  3. UCID 92,459 COD 17.18 %

Waxa aan idinku dhaafayaa waydiintan oo ah, Maxkamada sare hadii ay qaladkaas ka saarayso, wadadee iyo qaabkee ayay u maraysaa, ileen waxa laga saarayo ee qaladka keenay waa 0.9% kaas, mise waxay taageeri qaladkaas xisaabeed ee komishanka, mise waxa ay qaadi wadado 3aad oo ah in ay gabi ahaan ba meesha ka saarto natiijada doorashada mar hadii ay xisaab ahaan qalad tahay, taas oo isla markaana aan ku xidhnayn ogolaanshaha, diidmada ama dacwad furashada xisbiyada laga guulaystay, ee ah mid ku xidhan tirada xisaabeed ee komishanku soo saaray .

Tix-raax.

(1) Gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka oo shaacinaaya natiijada doorashadii dhacday 13-11-2017, kaas oo kaga dhawaaqay xaflad loogu qabtay xarunta komishanka 21-11-2017.

(2) (3) African Elections Database / Elections in Somaliland http://africanelections.tripod.com/somaliland.html

DHAMAAD.

Waxaa Diyaariyey Garyaqaan Cabdale Dahir Adan

Ku-xigeenka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Somaliland

Comments are closed