|

Muran Ka Taagan Kooxo Ruush ah Oo E-mail-ka Madaxweyne Obama Jabsaday iyo Waxyaabaha ay Daalacdeen

Washington:April,27,2015(SDN/QJ)-Budhcad dhinaca internetka oo la filayo inay Ruush yihiin, ayaa  jabsaday E-mail-ka gaarka ah ee Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama.

mecSida uu qoray Wargeyska New Times, kooxaha Budhcadda dhinaca Internetka ah, ayaa la sheegayaa inay  yihiin kuwii hore u jabsaday Computorka Aqalka Cad, waxana ay haatan udhaceen E-mailka gaarka ah ee Madaxweynaha waddanka Maraykanka.

Budhcadda Internetka (Hackers) ayaa la sheegayaa in heleen keydka Emailada Madaxweynaha Maraykanka, liiska dadka uu sida joogtada ah ula xidhiidho, fariimaha uu direy iyo kuwa uu helayba, jadwalka safaradiisa iyo weliba xogo kale oo xasaasi ah.

Masuul u hadley Aqalka Cad ayaa sheegaya in aanay jirin wax ka marag kacaya in waxyaabaha la jabsadey ay kamid ahaayeen Email-ka Madaxweynaha.

Aqalka Cad hore  waxaa hore looga sheegay in Hackers Ruushan ah ay u soo dhaceen, waxaana ay dhacdey dhamaadkii sanadkii hore 2014. Budhcada Internetka (Hackers) ee fadhigoodu yahay Ruushka lana sheegay inay xidhiidh la leeyihiin dowlada Ruushka ayaa la sheegay inay u suurto gashay inay xog kala baxaan computerada Madaxtooyada Maraykanka.

Ruushka ayaa bilowgii bishan Abril iska fogeeyey in ay jirto weerarka lagu qaadey Computers-ka aqalka cad, waxaana afhayeen u hadley Ruushku sheegay inay wax xun tahay in xagga Technology-yada la iska weeraro.

“…Waayadan danbe waxaa Caado laga dhigtay in Wixii xunba dusha laga saaro Ruushka….” Weerarka dhanka Tiknoolajiyadda iyada oo la marayo Internetka oo loo dhaco, Telefoonada oo la dhegaysto waxa uu ahaa mid si weyn caalamka ugu soo badanayey muddooyinkii danbe isla markaana Dowladaaha waaweyn ay ku lug lahaayeen.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed