Muran Ka Dhashay Boqor Salmaanka Sucuudiga iyo 400, Oo Qof Oo Uu Wato Oo Si Khaas ah Loogu Xidhay Xeeb Lagu Dalxiiso Oo Faransiiska Ku Taalla
Paris:Jully,20,2015(SDN/QJ)-Muran Xooggan, ayaa ka taagan dalka faransiiska, kadib markii saraakiisha dalxiiska dalkaasi shaaciyeen in xeeb dad badani ku dalxiisi jiren si khaas ah loogu xidhi doono Boqor salmaanka Sucuudiga oo kali ah.
Masuuliyiinta deegaanka Vallauris ayaa xaqiijiyay in ay sameeyeen xayndaab ku dhereran xeebta si loo xaqiijiyo ammaanka boqorka iyo afar boqol oo ruux oo kale oo la filayo in ay sooraacaan.
Boqorka iyo dadkaasi waxay xeebtaasi Faransiiska ku taala tagayaan dhamaadka todobaadkan, bulshadana waxaa laga mamnuucay in ay badda tagaan inta uu boqorku joogo.
Dadkii xeebta isticmaali jiray ayaa cadho ka muujiyay arrintaasi, waxa ay ka cabanayaan in aan lala tashanin.
Waxaa kale oo ay ka cadhoodeen dadkaasi in dawladdu ay dhistay wiishka dhismayasha dhaadheer loo raaco kaas oo isku xidhaya goobta uu boqorku dagayo ilaa iyo xeebta, laakiin Sacuudigu waxa ay balanqaadeen in meesha ka burburindoonaan marka dalxiiska dhamaystaan.
Waa Markii ugu horraysay ee Hoggaamiye dal loo xidho xeeb boqolaal qof hore ugu dalxiisi jireen, waxase madaxda Carabta Caado u ah inay six xad-dhaafh ah ugu takri falaan awoodahooda maaliyadeed xilliyada ay dalxiiska ku jiraan.
SDN/QJ