|

Muqdishu: Madaxweyne Gaas iyo Madaxweynaha Galmudug oo heshiis kale wadda-gaarey

Muqdisho 01. January 2017 (SDN/QJ):- Madaxda maamulada Galmudug & Puntland C/wali Gaas iyo C/kariin Guuleed ayaa kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan nabadeynta Gaalkacyo.

Heshiiskan ayaa yimid ka dib wadahadalo labada hogaamiye ku dhexmaray magalada Muqdisho kuwaasoo lagu sii ambaqaadayey sidii loo xoojin lahaa nabada Gaalkacyo.

Heshiiska qodobadiisa ayaa waxa ay kooban yihiin:

1- In Labada dhinac ay sameeyaan Booliska isku dhaf ah, oo ka howlgaloo Goobaha Colaada,

2-  In la isku furo isku socodka dadka iyo Gaadiidka Gaalkacyo,

3 – in lasoo celiyo Dadkii ku baracakay Dagaalka,

4 – In lbada dhinac ay Kulan isagu yimaadaan Bisha Febuary ee sanadkan.

Heshiiska Gaas iyo Guuleed waxaa Goobjoog ka ahaa Madaxweyne Xasan Sheekh, Ras’iisul Wasaare Cumar C/rashiid iyo Ergayga UN-ka Michael Keating.

Saxiixa hehsiiskaan ayaa imaanaya xilli is-afgaradyo hore kale oo jirey aysan waxba ka hirgalin madaama xubno ka tirsan xukuumada Gaas iyo saraakiil kale ee gobolka gabi ahaanba aysan jirin wadashaqeyn ku saabsan xiisada Galkacayo ka dhaxeyn Madaxweynaha Puntland.

Xubnahaas ayaa dano dhaqaale iyo kuwo soyaasadeed ka leh  muranka taagan xarunta gobolka Mudug.

Comments are closed