Muqdisho:Naftii Hure Ku Kaligii Ku Halaagmay Qarax Uu Jidhkiisa Ku Xidhaayey
Muqdisho:Aug,08,2015(SDN/QJ)-Wiil dhallinyaro ah oo la sheegay inuu katirsanaa Kooxda Al-shabaab, ayaa geeriyooday kadib markii ay ku qarxeen waxyaabaha qarax oo uu naftiisa ku xidhayey sida saraakiisha nabadsugiddu sheegtay.
Ninkan qarxay oo 17-sano jir ah ayaa la sheegay inuu doonaayay Ismiidaamin inuu fuliyo, wuxuuna Suunka waxyaabaha qarxa ka sameysan uu isugala xidhaayay meel banaan ah oo ku taalla geedka loo yaqaan Cali Garoobka, balse Askari ka tirsan ciidanka Nabad Suggida ayaa arkay, sida Wasaarada Amniga ay sheegtay, kadibna sidaasi ayuu isku qarxiyay ninkii oo kaligiis uu ku googo’ay.
Ciidamada Nabad Suggida oo baadhis sameeyay kadib ayaa helay guriga uu ninkaasi deganaa waxa ayna gacanta ku dhigeen Xaaskii uu qabay ninka geeriyooday, gabar la dhalatay, Nin doonaayay xilligaasi inuu mooto Bajaaj ku qaado ninka qaraxa isku soo xidhaayay iyo Milkiilihii guriga.
Guud ahaan guriga waxaa la wareegay oo la dejiyay ciidamada Nabad Suggida Somalia oo fariisin ka sameystay.
Afhayeenka Wasaarada Amniga Gudaha Maxamed Yuusuf Cismaan, ayaa Saxaafadda u sheegay in ninkaasi dhibaatadii uu umadda Somaliyed la damacsanaa isagan un uu ku halaagsamay.
“Sidaa ujeedaanba Ciidamada Amniga waxay ka hortageen islamarkaana ay ka hortageen inuu dhaco dhib ay Kooxda Ugus la damacsanaayen bulshada ah oo dadka dhan shaqooyinka ka nasanayaan mid kamid ah dhagarqabayaasha Ugus uu rabay intuu umada dhaxtago inuu isku qarxiyo qaar kamid ah Ciidamada NISA oo roondo ugu socday meelaha ka baxsan magaalada nin dhalinyaro ah oo 17-jir ah oo la yidhaahdo Mustafa Ibraahim Cali ayaa geed hoostiisa geedka loo yaqaana Cali garoobka rabay inuu iskulasoo xidho waxyaabaha qarxa suun ah oo dhaxda uu ku xidhanaayey markii uu arkay askari katirsan NISA oo askarigiina uu weydiiyay meesha maxaa ugu jirtaa markiiba waxaa qarxay ninkii dhalinyarada ahaa ee la dhihi jiray Mustafa Ibraahim Cali afrax oo sidaa aragteenba ukala go’ay dhowr cad ciidanka markiiba baadhis ayay sameeyen waxay qabteen ninkii mootada ku qaadi lahaa oo geyn lahaa meel ay dadka ku badan yihiin. ” ayuu yidhi Afhayeenka
Xoogaga Shabaab ayaa fuliya weerarada Ismiidaaminta ah ee dhalinyarada ka tirsan Kooxdaasi loo adeegsado.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com