Muqdisho:Haweenay Muddo La La’aa Oo Maydkeeda Ceel Laga Helay
Muqdisho:Oct,19,2014(SDN/QJ)-Ceel Ku Yaalla Magaalada Muqdisho ayaa waxa laga Helay Meydka Haweenay Muddo shan cisho ah la la’aa oo si weyn loo Baafinayey.
Maxamed Ismaaciil Cabdilaahi oo kamid ah Odayaasha Degmada Kaxda ayaa Warbaahinta u sheegay in meydka gabadhan la helay xalay(habeen hore) maqribkii, kadib muddo shan cisho oo la waayay halka ay aaday.
Meydka gabadhan ayaa waxaa laga helay ceelbiyood ku yaala Degmada Dharkeynley, xilli laga quustay halka lala aaday, waxaana la sheegay in jidhkeeda aanu ku oolin wax nabar ah oo loo geystay, marka laga reebo inay barartay.
Magaca Gabadhan ayaa waxaa lagu sheegay Faadumo Yaxye oo 23-sano jir ah, waxaana gabadhan Abtigeed uu sheegay in meydka gabadhan loo maleynaayo in ninkeeda uu ku tuuray ceelka.
Haweenaydan dhallinyarada ahaa ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey si weyn looga Baafinayey Daafaha Magaalada Muqdisho,waxana Haatan markii maydkeeda la helay ay shacabka ku noqotay Murugo iyo yaab ka dhashay sababta keentay in Ceelkaas lagu tuuro.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com