|

Muqdisho: Xildhibaanada barlamanka oo mar kale isku garaacay Golaha shacabka

Muqdisho Dec 21, 2011(qurbejoog.com)- Xildhibaanadaani oo manta kulanka ku yeeshay Xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho ayaa mar kale waxa ay isula tageen gacan ka hadal, iyagoo qaarkood dhaawcyo daqar ah ay isku gaysteen. 

Gacan ka hadalka Xildhibaanada ayaa yimid kadib markii Xildhibaano kale oo taageersan Shariif Xasan Sheekh Aadan ay gudaha usoo galeen howlka Xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho halkaasi oo mar qura ay ka bilaabatay gacan ka hadal u dhaxeeyay Xildhibaanadaasi. 

Xildhibaanada kasoo horjeeday Shariif Xasan ee manata kulanka yeeshay ayaa waxa ay sheegeen in gabi ahaamba ay xilkii ka xanyuubiyeen Shariif Xasan, iyagoo tilmaamay inaysan jirin sharci diiday in xil ka qaadis ay ku sameeyeen gudoomiyaha barlamanka . 

Xildhibaan Sheekh Shaacir oo ka mid ahaa Munadayaashii ka qeyb galay kulnkaasi ayaa la tilmamay in uu dhawac daqar ah kasoo gaaray madaxa kadib markii gacan loola tagay, waxaana  daqiiqado kooban howlka barlamanka uu noqday mid buuq iyo sawaxan uu ka dhexjiray, inkastoo markii dambe lagu guulaystay in la xaliyo murankaasi. 

Guddoomiyaha KMG barlamanka Madoobe Nuunoow Max’ed oo ay doorteen Xildhibaanada kasoo horjeeda Shariif Xasan Sheekh Aadan Horey uu sheegay in manta kulanka Xildhibaanada ay kasoo qeyb galeen 282-Xildhibaan islamarkaana Ajanadaha kulanka uu ahaa sidii loogu dhawaaqi lahaa guddi soo qaban qabiya doorashada gudoonka cusub  ee barlamanka wallow ay hakiyeen gacan ka hadalkaani.

 

Axmed Dhimbil Casoowe oo ah guddoomiye ku xigeenka Labaad ee barlamanka ayaa maanta ka qeyb galay kulankaasi, isagoo shaaca ka qaaday in xilka qaadista lagu sameeyay Shariif Xasan Sheekh Aadan ay tahay mid sax ah oo aan sharciga diidi Karin. 

Ma’ahan markii ugu horeysay oo Xildhibaanada barlamanka uu dhexmaro gacan ka hadal, iyadoo maalmo ka hor kulan ka dhacay Golaha shacabka ay gacan isula tageen Xildhibaanada taasi oo ay wax laga xumaado ku tilmaameen qeybaha kala duwan ee bulshada oo cambaareeyay khilaafka barlamanka.

Qurbejoog-Muqdisho

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed