Muqdisho: Xildhibaan Reer Hargeysa Ah Oo Cunsuriyad Ka Cawday & Guddida Doorashada Somalia Oo Faro-Madhan Ka Taagan Ciddii Matali Lahayd Somaliland
Muqdisho 14.October 2016 (SDN/QJ):- Xuseen Carab Ciise oo ah Siyaasi ka soo jeeda Somaliland, balse aaminsan Mabda’a Midnimada Soomaaliya, ayaa sheegay in Doorashada Xubnaha Somaliland uga qayb-galaya Baarlamaanka Dalkaasi lagu qabanayo Magaalada Muqdisho, halka Xildhibaannada kale ee Baarlamaanka ka qayb-galaya loo diray Maamullada ka dhisan deegaannad ay ka soo jeedaan.
Xuseen Carab Ciise wuxuu sheegay in waxa ugu muhiimsan ee ay wakhtigan ku mashquulsan yihiin tahay sidii Mar labaad loogu dooran lahaa Baarlamaanka Soomaaliya, sidaa daraadeed maaddaama oo aanay Somaliland iman karin qorshuhu yahay in doorashadooda lagu qabto Muqdisho, Wallow aanay illaa hadda jirin Ergooyin reer Somaliland ah oo doonaya inay doorashadaa ka qayb-galaan si ay ugu codeeyaan Xildhibaannada doonaya inay Baarlamaanka ka mid noqdaan.
“Xildhibaan kasta waxa ugu muhiimsan siduu mar labaad u soo noqon lahaa, imikana Xildhibaannadii waxa lagu yidhi mid wallowba tag Maamulkaagii, Annaga waxa doorashada lagu qabanayaa Muqdisho (Xubnaha ka soo jeeda Somaliland ee ka qayb-galaya Baarlamaanka). Markaa shaqadayada ugu horeysaa waa sidii uu Nin walba uu Kursigiisii Baarlamaanka dib ugu raadsan lahaa.” Ayuu yidhi, Xuseen oo u warramay Telefiishanka Bulsho, waxaanu intaa ku daray oo uu ka hadlay saluugga Dadka Reer Somaliland ee halkaa ku sugani ka muujiyeen Tirada Kuraasta looga qoondeeyay Baarlamaanka, taasi oo aan ilaa hadda xal laga gaadhin, “Annaga Culayska ugu badan ee na saarani waa sidii Dadka ka soo jeeda Somaliland ay qayb Sax ah uga heli lahaayeen Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, markaa waa inaanu ku hubsanno inay qayb sax ah helaan, inkasta oo aanaan annagu Miiska (Xukunka) fadhiyin oo ay fadhiyaan kuwa Xukunka ku jira, haddana waanu la eegaynaa oo waanu Cadaadinaynaa in Tiradii Saxda ahayd ee Kuraasta Baarlamaanka la soo helo.”
Xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo la waydiiyey sida uu u arko hadallada Masuuliyiinta Somaliland ku sheegaan in Siyaasiyiinta Somaliland ka soo jeeda ee Muqdisho joogaa Shaqo tag yihiin, ayaa ku jawaabay, “Waxaan Aaminsanahay in aanaan ahayn Dad soo shaqo tagay ee aanu nahay Dad aaminsan waxay samaynayaan. Maaddaama oo aan Somaliland weli la aqoonsan Beesha Caalamku Soomaaliya waxay ula dhaqantaa in Soomaaliya mid tahay, markaa waxaanu halkan u joognaa inaanu arrintaa ka qayb-qaadanno (Midnimada),markaa Dadkaa leh nama matalaan waxaanu ilaalinaynaa xuquuqdooda iyo qaybtii ay ku lahaayeen Soomaaliya. Maalinta si rasmiya loo kala tago (Somaliland iyo Soomaaliya), ayaa Qof kasta oo ka soo jeeda Somaliland looga baahan yahay Go’aanka saxda ah, laakiin inta Mid la yahay Sharciyan waa inaanu joogno oo aanu ilaalino wixii reer Somaliland lahaayeen iyo inaan xaq-daro dambe dhicin.”
Xuseen wuxuu amaanay Dawladnimada iyo Hannaanka dimuqraadiga ah ee Somaliland ka hano-qaaday, “Waxyaabaha aanu reer Somaliland ugu hambalyeynayno waa horumarka ay ka gaadheen Dawlad-wanaagga, doorashooyinka iyo Xisbiyada iyo Nidaamka Dawladeed ee ay samaysteen oo ah ka Afrika oo dhan ugu wanaagsan, Saddex Dawladood bay ku soo dhiseen Doorashooyin Hal Qof iyo Hal Cod ah.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey in dhibaatada Muqdisho ku haysata Siyaasiyiinta Somaliland ay tahay in la cunsuriyadeeyo, “Annaga waxa na haysata dhibaato ah waxa nala leeyahay waxaad ka timaaddeen (Somaliland) ee maxaad halkan (Soomaaliya) ka qabanaysaan, xaggaana waa la naga riixayaa.”
Xuseen Carab Ciise waxa uu ka mid yahay Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ee Xildhibaannadii beddeli lahaa dhawaan la soo dooranayo, waana Guddoomiyaha Guddida difaaca ee Baarlamaanka.
Hadalka Xildhibaankan, ayaa ku soo beegmaya xilli Qof reer Somaliland ah oo ku sugan Soomaaliya aanu isku diwaangelin inuu ka mid noqdo Ergooyinka dooranaya Shaqsiyaadka doonaya inay qayb-galaan Baarlamaanka Soomaaliya.
Guddida Doorashooyinka Soomaaliya, ayaa doraad Caddeeyay inaan ilaa hadda aan loo soo gudbin Ergooyinka la doonayo inay u codeeyaan Xildhibaannada Baarlamaanka cusub.