Muqdisho: Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamanka Somaliya Oo Cod Dheer Ku Sheegay In Amniga Muqdisho Uu Faraha Ka Baxay.
Muqdisho,7Nov,2015(QJ/SDN)-Xildhibaan Cabdi Barre oo ka tirsan xildhibaanada baarlamanka dawladda fedraalka ayaa qiray inuu faraha ka baxay ammaanka magaalada Muqdisho, isaga oo dhaliil culus ujeediyay hay’adaha amaanka ee dawladda Somaliya.
Xildhibaanku waxa uu sheegay in weerarkii ugu dambeeyay ee maalintii Axaddii ka dhacay Hotelka Saxafi uu muujiyey heerka ay taagan tahay amnidarrada ka jirta magaalada Muqdisho, waxaana masuuliyada arinkaa qaadanaya wasaaradda amniga iyo hay’adaha kale ee hawshaas u xilsaaran.
“Shabaabku waxay weeraraan meesha ay doonaan iyo goorta ay doonaan, ma jirto cid ka hortagi karto weerarrada ay soo qaadaan, waayo ma jiro sirdoon howshaas u tababaran oo dawladdu ay leedahay” ayuu yidhi Xildhibaan Cabdi Barre.
Sidoo kale, xildhibaanku waxa uu si aad ah u weeraray madaxwaynaha dawladda fedraalka Xasan Sheekh iyo golihiisa, isaga oo ku eedeeyay in aanay xil iska saaran sugidda amaanka xildhibannada iyo masuuliyiinta kale ee dawladda ee dagan Hoteellada Muqdisho.
Weerarkii qorshaysnaa ee maalmo ka hor ka dhacay Hotelka Saxafi ayaa waxaa ku dhintay dad kor u dhaafayey 15 ruux oo ay ka mid ahaayeen saraakiil iyo masuuliyiin ka tirsanaa dawladda federaalka ah, waxaana dadka halkaas ku nafwaayay ka mid ah Abaanduulihii hore ee Ciidamadda dawladda federaalka ah iyo mulkiilihii hoteelka Cabdirashiid Ilqayte oo ka mid ahaa hogaamiye kooxeedadii hubka laga dhigay.