|

Muqdisho Xarumaha Qaramada Midoobay oo loo samaynayo Ciidamo ilaalo oo u gaar ah

Muqdisho 17.April 2014 (SDN)- Ciidan gaar ah oo ka socda dalka Uganda oo ilaalin doona shaqaalaha iyo xarumaha hay’adaha Qaramada Midoobay ayaa maanta ka degay garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho.

Ciidanka oo ay tiradooda gaareyso 60 askari ayaa garoonka waxaa ku soo dhoweeyay mas’uuliyiin ka socday Qaramada Midoobay oo uu jiro danjiraha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay.

Ciidanka loogu talagalay inay ilaaliyaan xarumaha Qaramada Midoobay oo lagu wado inay tiradoodu noqoto 400 askari ayaa la soo dhameystiri doonaa dabayaaqada bishan April, sida uu sheegay afhayeen u hadlay howlgalka Qaramada Midoonay ee Soomaaliya oo lagu magacaabo Aleem Siddique.

Ciidanku waxay xiran doonaan koofiyadaha buluugga ah ee ay ku xardhan tahay astaanta Qaramada Midoobay.

Qaramada Midoobay ayaa horay uga dalbatay Uganda inay ugu yaboohdo ciidankan, sida uu sheegay afhayeenka milateriga Uganda Col. Paddy Ankunda, “ujeedkeennu waa inaan xaqiijinno ammaanka xarunta ugu weyn ee Qaramada Midoobay si ay howlwadeennadu shaqadooda u qabsadaan” ayuu yiri afhayeenka. Ciidanka waxay soo dhameysteen tababar socday dhowr bilood.

Muqdisho SDN.

Comments are closed