Muqdisho: Wiil Indho Iyo Gacmo La’a Oo Fariimaha Telefoonkiisa Ku Dira Dibnihiisa DAAWO
Muqdisho 10.April 2016 (SDN/QJ): – Cali Aadan oo ka mid ah dhalinyaradda ku nool Muqdisho oo walxaha qarxaa ka naafeeyeen indha iyo gacmaha, ayaa la soo baxay farsamo cajiib ah oo telefoonkiisa gacanta uu ku qora dabnihiisa fariimaha iyo garaacida dadka uu doonayo inuu marka la hadlo.
Cali Aadan ayaa ah Aabo leh Afar carruura iyo Xaas, isla markaana noloshooda ku maareeya habdhaqankii looga bartay aabaha Somaliyeed ee leh indho iyo gacmo.
Cali Aadan oo arrimahan faahfaahinaya wuxuu yidhi “Maalmihii horre culays way igu ahayd, adigoo wiil yar ah oo dhaawacna kugu dhacay, aragii waayay, gacmihii dhaawucu ka saameeyay, waa marxalad aad iyo aad culayskeeda u leh.”Ayuu yidhi Cali Aadan
Sidoo kale, wuxuu xooga saaray sidii uu isugu filaan lahaa nolosha “Runtii qof iga gacan siiya ma jirto, waxkaste waxaan go’aansaday in aan anigu qabsaddo oo haba I dhibto, waxaan ka door biday inay marka dambe ii fududaanayso waxa kasta oo idhiba
Dhinaca kale wuxuu sheegay in dad badani layaab habdhaqanka uu nolosha ku waajaho oo uu Telefoonka gacanta u isticmaalo “Telefoonkayga waxan ka isticmaala qoraalka iyo in aan anigu dabnahayga ku garaacan karo oo qofkii aan doonayo aan wici karo, balse wali umaan gudbin Facboog, Twitter-ka .”ayuu yidhi Cali Aadan