Muqdisho: Wiil Dhallinyaro ah oo Jacayl Dartii Qudha iskaga jaray
Muqdisho:4-Sep-2013(SDN)-Haddii ay dhegahaaga ku soo duuli jirtey Hebel baa dabaq iska soo tuuray Jacayl Dartii, Heblaayana Sun ayey cabtay Jecayl ay hebel uqabto dartii, Maanta waxa Hortaada taalla wiil soomaaliyeed oo Go’aansaday inuu Dunida iska tago Mar Haddii uu waayey Gabadhii uu calmaday.
Dhacdadan murugada iyo La yaabka leh ayaa maalintii shalay ka dhacday magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya oo aan looga baran falalka noocan oo kale ah oo u muuqda kuwa laga soo min-guuriyay aflaanta lagu turjumay afka Soomaaliga oo saameyta ugu badan ku yeeshay dhallinta Soomaaliyeed ee isugu jira Hablo iyo Wiilal.
Wiilka la sheegay in uu isu toogtay jaceylka hirgeli waayay ayaa jiray da’da 18-ka sano, walina kuma aanu guulaysan in aan helno magaciisa iyo halka uu Muqdisho kaga noolaa, hasa yeeshee waxaa la wariyay in uu dhowr jeer uu ka dalbaday in loo guuriyo gabadh uu jeclaa hase yeeshee ay ka diideen waalidka wiilka.
Isku Buuq Badan iyo Gocashada dhacdooyin lamid ah qisada jecayl ee ku dhacday, waxa uu go’aan ku gaadhay in uu naftiisa is-dhaafiyo maadaama uu isu arkay nafsad ku guul dareysatay nolosha, waxa uuna bastoolad aan wali la sheegin halka uu ka helay uu si qarsoodi ah guri ula galay kadibna uu afka isaga dhuftay xabad isaga oo dhaawac ahaan loo geeyay Isbitaal Madiina halkaasi oo uu ku geeriyooday ugu danbeyn.
Daawashada aflaantaan la tarjumay ayaa dhalinta Soomaaliyeed marxaladaha qaar gaadhsiiya in ay la dhibaatoodaan jilayaasha halka hablaha qaarna ay la’ooyaan.
Qisadan ayaa haatan midda ugu hadal haynta badan guud ahaan magaalada Muqdisho, waxana ay dadweynuhu dhamaantood isla dhex marayaan sababta daciidka ah ee uu wiilkaasi ku waayey noloshiisii qaaliga ahayd.
Somalidiasporanews.com
Contact@somalidiasporanews.com