|

Muqdisho: Wasiirka Arrimaha Dibada oo soo laabatay kadib shir ay kaga qayb gashay New York

Muqdisho 03.Nov 2013 (SDN)- Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee xukuumadda Soomaaliya Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa maanta ku laabatay magaalada Muqdisho kaddib markii magaalada New York ee dalka Mareykanka ay uga qayb gashay shirkii golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Fowsiya-Muqdisho-300x225Fowsiya oo warbaahinta kula hadashay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa sheegtay in kulankii Golaha Ammaanka looga hadlay arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan kordhinta ciidamada nabad-ilaalinta Midowga Afrika iyo taageeridda ciidamada Soomaaliya.

Waxay intaas raacisay in goluhu uu si weyn uga dooday sidii dhanka ammaanka iyo ciidamadda looga taageeri lahaa Soomaaliya.

Fowsiya aa sheegtay inay hor-dhigeen golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay  warbixinno ku aaddan xaaladda Soomaaliya isla markaana ay ku faraxsan yihiin natiijada ka soo baxday kulanka.

Muqdisho SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed