Muqdisho: Wariye Ka tirsan Idaacada Shabelle oo caawa la dilay
Muqdisho, 24, May 2012 (SDN)- Waxa caawa fiidkii Magaalada Muqdisho lagu dilay Wariye katirsan Idaacada iyo Telefishinka Shabelle ee ka howl gasha Magaalada Muqdisho.Wariye Axmad Cadow Canshuur oo kamid ah Wariyaasha ugu caansan Magaalada Muqdisho kana mid ahaa Wariyaasha soo saara Barnamaijyada Siyaasada ee Shabelle gara ahaan Barnaamijka Qubanaha Wararka ayaa lagu dilay Xaafad Suuq Boocle ee Degmada Wada jir.
Wariyaha ayaa waxaa dilay Kooxo Hubeysan oo aan heybtooda la garan iyadoona la sheegay Wariyaha in uu goordhaw ka baxay Xarunta Idaacada uuna u socday Gurigiisa oo kuyaala Xaafada Madiina ee Degmada Wada jir.
SDN, Muqdisho