|

Muqdisho: Tirada ergooyinka u codeeyay ansixinta Distoorka cusub ee Soomaaliya, inta diiday iyo inta ka aamustay gunaanadkii shirka iyo ismiidaamiyeyaal weeraray goobta shirku ka socday

Muqdisho 01, August 2012 (SDN/AP)- Ka qaybgelayaashii shirka Muqdisho, ayaa maanta ansixiyay Distoorka cusub ee Soomaaliya, kaasoo dalka ka saaraya nidaamka kumeel-gaadhnimada.

Siday ku warantay wakaalada wararka ee Associated Press, Arbacaddii maanta waxa cod ku ogolaaday 621 ergay, waxa diiday 13 xubnood, halka 11 kalena ka aamuseen codaynta.

Ansixintu waxay timi waxyar uun ka dib, markii laba ismiidaamiyeyaal ahi isku dayeen inay qarxiyaan goobta shirku ka socday ee caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Warku wuxuu intaa ku daray, in masuuliyiinta amaanku sheegeen in labada ismiidaamiye lagu toogtay barxada hore ee dayrka goobta shirku ka socdo.

Sida uu sheegay Cabdi Yaasiin oo ah sarkaal ka tirsan ciidanka Booliska Soomaaliya, labada ismiidaamiye waa la dilay, iyadoo hal askari oo ciidanka ka tirsani ku dhaawacmay.

Cimriga dawladda reer Galbeedku taageerayaan ee xilligani waxa uu ku egyahay labaatanka bishan aynu ku jiro ee August, waxaana hoggaamiyeyaasha Soomaalida laga sugayaa inay u codeeyaan Distoorka, inay doortaan baarlamaan 275 xubnood ka kooban iyo inay xilligaas ka hor doortaan Madaxweynaha.

Qurbejoog.com, Muqdisho

editor@somalidiasporanews.com

Comments are closed