|

Muqdisho: Shirkii Dibu Heshiisiinta Jubooyinka oo Maanta la Soo Gabo gabeeyay

Muqdisho 06.Nov 2013 (SDN)- Waxaa magaalada Muqdisho maanta oo Arbaco ah lagu soo gabagabeeyay shirkii dib u heshiisiinta beelaha wada daga gobollada Jubbooyinka iyo Gedo oo dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ka soconayay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

Munaasabad lagus oo xiray shirka oo lagu qabtay xarunta ciidanka nabad-sugidda ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb-galay madaxweynaha SOomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, xubno ka tirsan xukuumadda Soomaaliya, mas’uuliyiinta maamulka KMG ah ee Jubba, odayaasha dhaqanka ee beelaha Jubbooyinka iyo marti sharaf kale.

Shirka ayaa laga soo saaray qodobbo dhowr ah oo ay ka mid yihiin joojinta dagaalka, ka shaqeynta nabad-gelyada iyo horumarinta adeegyada kala duwan ee bulshada.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo soo xiray shirka ayaa ergada ka qeyb-gashay shirka  uga mahad-celiyay sida wanaagsan ee ay uga qeyb-galeen shirka iyo qodobbada ay soo saareen.

Mas’uuliyiin kale oo hadallo ka jeediyey munaasabadda xiritaanka shirka ayaa iyaguna wax lagu farxo ku tilmaamay sida ay ergadu isugu afgarteen ka talinta aayaha bulshada Jubbooyinka.

Shirka iyo munaasabadda xiritaanka shirkaba waxaa goob-joog ka ahaa mas’uuliyiinta maamulka KMG ah ee Jubba iyo madaxda dhaqanka ee beelaha wada daga gobollada Jubbooyinka.

Muqdisho SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed