Muqdisho Oo Xalay Lagu Toogtay Qaaddi Maxkamadeed
Muqdisho:7-Nov-2013(SDN)- Koox Baastoolado ku Hubaysan, ayaa Habeenkii xalay Magaalada Muqdisho ku Toogtay Guddoomiyihii Maxkamadda Degmada War-dhiigley.
Qaadiga ayaa Isla Goobtii ku Naf waayey sida ay sheegeen Ehelladiisa iyo waliba dadkale oo Goob-joogayaal ahaa, waxana Goobta iskaga Baxsaday Kooxdii Dilka Geysatay.
Qaaddiga la toogtay ayaa la sheegay in lagu magacaabi jiray Aadan Cilmi Tuure, kaas oo ahaa nin in badan garsoorka Soomaaliyeed uga soo dhex muuqday laga soo bilaabo xilligii dowladii Meleteriga aheyd, iyo xilligii maxkamaduhu dalka qabsadeen.
Tuure ayaa wararku sheegayaan in ay toogteen dhalinyaro aan heybtooda la garan xilli uu marayay inta u dhexeysa xaafadiisa oo ku taalla degmada uu ka shaqeynayay iyo Masjid uu salaad ku dukaday.
Kooxaha wax dila ayaa waayihii danbe waxa ay kusoo bateen magaalada Muqdisho inkasta oo qaraxyadii wax lagu halligi jiray waqti ku eg laba bilood magaalada aanay ka dhicin, waxana taas loo aanaynayaa ammaanka oo culays badan la saaray iyo ciidanka oo xaafadaha kala duwan isku Ballaadhiyey.
S.D.N