Muqdisho oo uu Maalintii labaad ka Socdo Shirweynihii Culimada
Muqdisho 08.Sep 2013 (SDN)- Waxaa maalintii labaad magaalada Muqdisho ka socda shirweynaha culumada Soomaaliyeed, kaas oo shalay si toos ah uga furmay caasimadda.
Guddoomiyaha guddiga qaban qaabada shirweynaha culumaa’uddiinka Soomaaliyeed Daahir Maxamed Geelle, oo ka hadlay madasha uu shirka ka furmay ayaa sheegay inuu jiro dheelli dhinaca diinta ah, gaar ahaan fikradaha shacabka laga fahamsiiyo diinta oo uu sheegay inay u badan yihiin kuwa khaldan oo ay siiyaan dad dano gaar ah ku wata diinta Islaamka.
Daahir ayaa sheegay in sidoo kale inta uu shirka soconayo looga hadli doono arrimaha ammaanka, siyaasadda, sharciga iyo arrimaha warbaahinta casriga cusub.
Shirkan oo ah mid horey loo soo iclaamiyay ayaa lagu wadaa inuu socon doono muddo shan maalmood ah.
Muqdisho SDN.
Qurbejoog.com