|

Muqdisho oo uu ka Socdo Shirkii Dibu Heshiisiinta Jubooyinka iyo Dareenka Shacabka reer Juba

Muqdisho 04.Nov 2013 (SDN)-Shirkii Nabadaynta Beelaha daga Gobalada Jubbooyinka ayaa galay maalintii Labaad kaa oo maalintii shalay ka furmay Magaalada Muqdisho ee Xarunta Soomaaliya.

Kulan uu Shir gudoominayo Gudi Dowlada Soomaaliya u magacowday kaa uu horkacyo Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya ayaa qodobadii looga dooday shalay waxaa u badnaa sidii loo taageeri lahaa Maamulka KMG ah ee juba.

Waxaa ergadii ka soo qayb galay shirkaa badankood soo dhawayeen Maamulkaa oo ay sheegeen in ay la shaqayn doonaan waxaana Xubnaha soo dhawayay ka mid ahaa Xubna mucaaradsanaa Maamulka Axmed Madoobe kuwaas oo u arka in uu ahaa Maamul si xeeladaysan loo aas aasay.

shirka-jubbooyinkaNabadoon Xasan Cali oo ka mid ah ergada Shirkaa ka qayb galaysa ayaa sheegay in Shirkaa uu ku dhamana doono guul waxa uuna rajo fiican ka muujiyay go,aamadaa shirkaa ka soo baxi doona oo noqon doona kuwa wax ku ool ah.

Shirkaa ayaa maanta lagu wadaa in looga dodo qodoba qayb ka ah Heshiiskii Bishii Agust Maamulka Juba iyo dowlada ku gaareen Magaalada Adis ababa kaa oo sharaxaad dheeraad ah lag siin doono ergada shirka ka soo qayb gashay.

Shirkaa ka furmay Shalay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa bar bar socday Shirar kale oo si gooni gooni ah u qabsadeen beelo iyaga ka soo hor jeeda Shirkaa kuwaas oo ku andacoonaya in aan laga qayb galin Shirka Jubooyinka looga hdalayo.

Geesta kale Qeybaha kala duwan ee bulshada magaalada Kismaayo ayaa soo dhoweeyay shirka dib u heshiisiinta beelaha gobollada Jubbooyinka ee shalay ka furmay magaalada Muqdisho.

Xuseen Saleebaan oo ka mid ah madaxda dhaqanka ee Kismaayo ayaa ayaa sheegay  in ay aad ugu faraxsan yihiin wada-hadalka lagu raadinayo heshiis dhex mara beelaha Soomaaliyeed ee Jubbooyinka, si loo gaaro nabad ay ku wada noolaadaan dadweynuhu.

Wuxuu intaas ku daray in maslaxada lagu gaari karo oo kaliya in la wada-hadlo, sidaas darteedna ay dadweynaha Jubbooyinku qabaan rajo weyn oo ku aaddan natiijo fiican oo ka soo baxda shirka.

Batraan Muxumed Cabdulle oo ka mid ah haweenka Kismaayo ayaa iyaduna sheegtay in ay ku faraxsan yihiin shirka ka soconaya Muqdisho ee lagu heshiisiinayo beelaha Jubbooyinka, dhowaanna loo gudbi doono in wadajir loogu adeego horumarinta gobollada.

Batraan ayaa dowladda Soomaaliya uga mahad-celisay doorka ay ka qaadanayso dib u heshiisiinta dadweynaha ku nool Jubbooyinka.

Muqdisho SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed