Muqdisho oo uu ka Furmay Shirweyne lagu dejinayo Geedi Socodka Siyaasada Somalia,Higsiga Sannadka 2016 iyo Khudbadii Madaxweynaha
Muqdisho 02.Sep 2013 (SDN)- Waxaa maanta magaalada muqdisho ka furmay Shirweynaha Qaran ee Geedi Socodka Siyaasada Soomaaliya iyo Hiigsiga Sanadka 2016ka,waxana ka qeyb galaya ergo ka kala timid gudaha dalka iyo dibadiisa.
Furitaanka shirweynaha ayaa waxaa ka qeyb galay madaxweynaha J.F Soomaaliya ku simaha ra’iisul wasaaraha,ahna ra’iisulwasaare ku xigeen iyo wasiirka arrimaha dibedda Foowsiyo Yuusuf Xaaji Aadam,wasiiro,xildhibaano,ergaga xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay,qaar ka mid ah diplomaasiyiinta fadhigoodu yahay magaalada muqdisho iyo marti sharaf kale.
Ugu horeeyn waxaa shirweynah ka hadlay gudoomiyaha gobolka ahna duqa magaalada muqdisho Maxamuud Axmed Nuur “Trasan” waxana ergada ka qeyb galeeysa shirweynaha uu ku soo dhaweeyay caasimada soomaaliya ee muqdisho,isagoo sheegay ay goobta u fadhiyaan in ay ka qeyb qaatan gacana ka geeystaan dib hanashada qaranimada soomaaliya,waxana madaxweynaha iyo xukuumada ugu hambalyeeyay fikirka ay keeneen oo ah sidii siyaasada dalka lagu hagaajin lahaaa.
Tarsan ayaa ergada ka qeyb galeeysa shirweynaha qaran ugu baaqay in gacan ka geeystaan sidii dalka uu horey ugu socon lahaa.iyo in aad ka fakartaan sidii aad uga talin lahaydeen mustaqbalka dalka soomaaliya
Khaalid Cumar oo ah xubin ka mid ah gudiga qabanqaabada shirweynaha qaran ee geedi socodka siyaasada soomaaliya iyo hiigsiga sanadka 2016ka ayaa sheegay in shirkan uu socon doono mudo 5 maalmood ah.
Khaliif Cumar ayaa sheegay shirweynahan uu soo hindisay madaxweynaha soomaaliya dowladana ay bixineeyso dhaqaalaha ku baxaayo.
Khaliif Cumar ayaa intaasi ku daray in shirweynahan qaran ay ka qeyb galayan aqoonyahano iyo wakiilo ka kala socoda gobollada dalkaisagoo sheegay in dowlada ay dooneeysaa in ay sameeyo la tashi dadweynaha soomaaliyeed,si loo hogaamiyo mustaqablka siyaasada soomaaliya ee sedaxda sano ee soo socota.
Khaliif Cumar oo ah xubin ka mid ah qabanqaabiyaasha shiweynaha qaranka ayaa sheegay in talooyin looga fadhiyo ergada ka qeyb galeeysa shirweynahan qaran.
Khaliif Cumar ayaa sheegay in shirweynahan qaran looga hadli doono ilaa 5 qodob oo ay ka mid yihiin horumarinta iyo din u eegista dastuurka dalka,dib u habeeynta hay’adaha dowlada,siyaasada in laga qeyb galiyo siyaasada dalka4,awood qeybsiga kheeyraadka dalka.iyo dib u heshiisiinta
Furitaanka shirweynaha qaran ee geedi socodka siyaasada soomaaliya iyo hiigsiga sanadka 2016ka ayaa waxaa ka hadlay Mudane Cismaan Jaamaca (cismaan kaluun) oo ku hadlayey magaca ergada soomaaliyeed oo ka qeyb galeeysa shirweynaha qaran waxana uu ka sheekeeyay qalaladaadkii ay galeen jabhadihii dalka soo maray,
Cismaan Kaluun ayaa soo dhaweeyay shirarkii ay horey u soo qabatay dowlada soomaaliya,isagoo sheegay in ay talooyin siin doonaan hadii ay uga baahato.
Cismaan Kaluun ayaa ugu baaqay qurba joogta soomaaliyeed in aan la kala qeybin dhulka soomaaliyeed,isagoo sheegay in soomaaliya ay mid tahay.
Furitaanka shirweynaha qaran ayaa waxaa sidoo kale ka hadlay ergeyga xoghayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan soomaaliya Nicholas Kay waxana uu sheegay in uu ku faraxsanahay in lagu casuumo in uu ka hadlo furitaanka shirkan muhiim ah.
Kay ayaa dowlada soomaaliya uga mahad celiyaa abaabulka iyo qabashada shirkan muhiimka ah oo waqti yar lagu soo agaasimay.
Nicholas Kay ayaa sheegay in beesha caalamka aysan daneeyn jirin soomaaliya,laakiin labadii sano ee la soo dhaafay ay u soo jeesatay,tasna waxaa ka marqaati kacaya shirarkii lagu qabtay dalalka turkiga.ingiriiska,japan iyo maraykanka.
“Waxaa si wada jir wax loog qabtay arrimaha burcad badeeda iyo macluushii dalka ka dhacday”ayuu yiri kay
“Fariinteeyda waxa ay tahay Qaramada midoobay waaa y idinla joogtaa,waxana ay diyaar tahay in ay idinla joogto mana idin cidleeyn doono”ayuu sii raaciyay kay
Nicholas Kay ayaa sheegay sheegay in UNSOM ay dhawaan xafiisyo ka furan doonto qaar ka mid ah gobollada dalka.
Kay ayaa sheegay in dadka soomaaliyeed ay yihiin wadaniyiin,waxana uu ugu baaqay qurba joogta in ay dalkooda dib ugu soo laabtaan oo ay ka qeyb qaataan dib u dhiska dalkooda.
Nicholas Kay waxa uu itaasi ku daray in sanad ka hor uu isbedel wanaagsan ka dhacay soomaaliya,islamarkaana uu rajeeynayo in dalka doorashooyin ay ka dhacaan marka la gaaro sanadka 2016ka.
Kay ayaa soo dhaweeyay heshiiskii dowlada federaalka iyo maamulka KMG ah ee Jubba ay ku wada gaareen magaalada adis ababa.
Nicholas Kay ayaa sidoo kale soo dhaweeyay wada tashiga ay dowlada soomaaliya kala sameeyay dadweynaha barnaamijka hiigsiga cusub ee New Deal.
Kay ayaa ugu danbeeyntii madaxweynaha soomaaliya uga mahad celiyay qabashada shirweynahan qaran,waxana ergada ka qeyb galeeysa shirweynaha uu u rajeeyay in ay xal ka gaaraan qodobada hor yaala.
Ku simaha ra’iisulwasaaraha ahna ra’iisul wasaare ku xigeenka iyo wasiirka arrimaha dibada soomaaliya Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadam ayaa u mahad celisay ergada ka qeyb galeeysa shirweynaha qaran ee geedi socodka siyaasada soomaaliya iyo hiigsiga sanadka 2016ka.
Wasiirk arrimaha dibadda ayaa sheegtay in ujeeda ka dambeeysa shirweynahan qaran ay tahay dhameystirka habka siyaasadeed ee soomaaliya,iyadoo tilmaantay in loo baahanyahay si wanaagsan looga baaraan dago.
Ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda ayaa sheegtay in dowlada soomaaliya ay marti galisay shirar kale oo muhiim ah,laakiin shirweynahan uu yahay mid aad muhiim ugu ah mustaqbalka siyaasada soomaaliya.
Ku-simaha ra’iisul wasaaraha soomaaliya ayaa ugu baaqday ergada ka qeyb galeysa shirweynahan qaran in ay talooyin ay bixinayaan ay noqdaan kuwo wax ku ool ah mustqabalka siyaasada soomaaliya.
Madaxweynaha J.F Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ugu dambeeyntii khudbad dheer ka jeediyay furitaanka shirweynaha qaran ee geedi socodka siyaasada iyo hiigsiga sanadka 2016ka ayaa u mahad celiyay ergada soomaaliyeed ee meelaha fog fog uga yimid ka qeyb galka shirweynaha qaran.
Madaxweynaha soomaaliya ayaa sheegay in uu rajeeynayo in sanadka soo socda uu noqda mid ka wax qabad wanaagsan sanadkii ay jirtay dowlada soomaaliya.
Muqdisho SDN.
Qurbejoog.com