Muqdisho oo lagu qabtay Tababar ku Wajahan ka Hortaga Cudurka Ebola
Muqdisho 09.Aug 2014 (SDN/QJ)- Tababar lagu baranayey sida ugu habboon ee looga hor tagi karo cudurka dilaaga ah ee Ebola ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Tababarka oo socdey maalin waxaa soo qaban qaabiyey ururrada dhakhaatiirta Soomaaliyeed, waxaana ka faa’iideystey ilaa 50 xubnood oo ka tirsan ardayda barata culuunta caafimaadka ee ku sugan Muqdisho.
Khuburada caafimaadka ayaa bixisay casharro ku aaddan ka hor tagga iyo ka feejignaanta cudurka halista ah ee Ebola.
Prof. Xasan Xaaji Maxamed, oo ka mid ah ururka dhaqaatiirta Soomaaliyeed ayaa sheegay in bulshada iyo dhakhaatiirta looga baahan yahay in ay ka digtoonaadaan si kasta oo uu ugu imaan karo cudurku.
Cudurka Ebola oo billowgii sannadkan 2014-ka lagu arkay dalka Ghini ayaa deg-deg ugu faafay dalalka Liberia, Sera Leone iyo Nigeria oo ku yaalla galbeedka qaaradda Afrika, wuxuuna galaaftay nolosha boqollaal qof.
Cudurka Ebola ayaa walaac ku haya bulsho weynta caalamka, illaa iyo haddana looma hayo dawo iyo tallaal toona.
Muqdisho SDN/QJ
contact@qurbejoog.com