Muqdisho oo laga Furay Goobo lagu Diiwaangeliyo Dhallinta uu Madax maray Fikirka Jihaadku si ay uga barbar dagaalamaan Kooxda Daacish
Muqdisho 31.Oct 2014 (SDN/QJ)- Wararka laga Helayo Magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in Halkaas laga diiwaangeliyo Boqolaal Dhallinyaro ah oo la Dhacsan Dagaallada ururka Daacish wado, kuwaas oo doonaya inay gaadhaan Dalalka Ciraaq iyo Syria.
Sarkaal Sare oo ka tirsan Ururka Al-shabaab, ayaa qaarkamid ah Warbaahinta u sheegtay in dadka buugaasi lagu diiwaan galiyo loo qeybin doono laba garab, garabka koowaad waxa ay ku biiri doonaan Kooxda daacish, halka garabka labaadna ay wakiilo uga ahaan doonaan Somalia.
Sidoo kale, Sargaalkani ayaa waxa uu walaac adag ka muujiyay Jabka xiligaani ku yimid Alshabaab, balse waxa uu suuragal ka dhigay in xili waliba ay la midoobi karaan Kooxda ISIS.
Ma aanu sheegin goobaha ay ka socoto diiwaangalinta iyo go’aanka kaga aadan maleeshiyada, inkastoo uu carabka ku dhuftay in dhalinyarada la diiwaan galiyo ay badi u safri doonaan Ciraaq iyo Syria.
Dhanka kale, Wasiirka arrimaha dibada ee dalka Imaaraadka Carabta Sheik Abdullah bin Zayed Al Nahyan ayaa ka digay xidhiidh dhex mara ururka IS iyo Alshabaab isagoo sheegay in loo baahan yahay in laga hortago arrintaasi sida uu sheegay.
“Waxa dhabtii na cabsi gelinaya waa waxa aan ka aragno Daacish,waxaan kaloo ka cabsaneynaa xiriir wadashaqeyn ah oo dhex mara IS iyo Alshabaab?”ayuu yidhi Sheik Abdullah oo ka hadlayay furitaanka shirweyne loogaga hadlayo kahortagida budhcadbadeed,
Muqdisho SDN/QJ
contact@qurbejoog.com