|

Muqdisho oo ay ku soo Badanayaan Haweenka Gawaarida wata

Muqdisho June 23,2013(SDN)-Wadooyinka caasimada Soomaaliya oo sanado door ah haatan aan lagu arag Dumar wata gawaari ayaa maalmihii u danbeeyay waxa dhabeyaasha Muqdisho lagu arkayay Haween wata Gaarida noocyadooda kala duwan.

Arintan ayaa loo aaneyay ka dib kolkii magaalada iyo nawaaxigeeda laga saaray kooxda Al Shabaab,iyo xaalada amaan oo soo hagaageysay bilihii ina dhaafay.

Haweenka ka hawlgala xafiisyada dawladeed iyo kuwa aan dawliga aheyn ee u kala gooshaya xafiisyada magaalada ayaa sheegay in wadida gawaaridu ay ka xoreysay baryada iyo u xanibnaanta rag gawaarida u kexeeya.

“Waan ku faraxsanahay in aan iskeey u kexeysan karo gaarigeyga oo aan ku shaqo tegi karo,arinatani waa inoo dhiiri gelin iyo madax banaani”sidaa waxa tiri Faisa Haaruun oo u sheqeysa mid ka mida hay’adaha aan dawliga aheyn ee Muqdisho ka Hawlgala.

Magaalada Muqdisho ayey Dumarku weligoodba gawaaridu wadan jireen ilaa mar dhexdeer aheyd oo xaalada amaan iyo shuur qalafsani ay dumarka xoriyadaa ka qaaday.

Haatan dadka aan mudo ama ebid aragba dumar Muqdisho gawaari ku wata ayaa dareemo kala duwan ku soo dhaweeyay horumarkan.

“In badan oo aan in mudo ah magaalada ku dhex arag Dumar gawaari wada ayaa arintani la yaab ku noqotay oo qaarkood waaba ay nagu qosleen,balse dumarka oo raga la wadaaga dalkan ayaa doorkooda ciyaaraya”sidaa waxa jariirada Xinhua.

Maxamed Gurey oo Bare ka ah Muqdisho ayaa sheegay in Dumarka oo wadooyinka lagu arko iyaga oo wada Gawaari waxa ay muujineysaa in Muqdisho aaney sii ahaan doonin magaalada dunida ugu khatarta badan.

SDN-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed