|

Muqdisho: Ma jirayso in Khasab lagu Celiyo Qaxootiga Somalia ee ku Jira Xeryaha Wadanka Kenya ” Wasiirka Arrimaha Dibada

Muqdisho 12.Nov 2013 (SDN)- Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa maanta dib ugu laabatay magaalada Muqdisho, kaddib markii ay Kenya uga qeyb-gashay kulan looga tashaday dib u celinta qaxootiga Soomaalida ah ee ku nool dalkaasi.

Fowsiya-Muqdisho-300x225Fowsiya oo shir jaraa’id ku qabatay garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho ayaa sheegtay in Soomaaliya, Kenya iyo  UNHCR ay isla garteed in qaxootiga Soomaalida ah ee ku nool Kenya aan lugu khasbin inay dalkooda ku laabtaan.

Fowsiya ayaa intaas ku dartay in haddii ay jiraan dad qaxooti Soomaaliyeed ah oo diyaar u ah inay ku laabtaan dalkooda loo fududaynayo.

Natiijada shirka Nairobi ay ku yeesheen  Soomaaliya , Kenya iyo UNHCR ayaa meesha ka saaraya wal-wal ay qaxootiga Soomaalida ah ee ku nool Kenya ka qabeen in khasab loogu celiyo dalkooda , kaddib markii dowladda Kenya ay dhowr jeer oo hore sheegtay in lagu celinayo dalkooda.

Muqdisho SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed