|

“Muqdisho ma diidana Soomaalinimada, laakiin Hargeysa Somalinimada ayey Diidan tahay wax soomaali wada leedahayna Hargeysa lagama maamuli doono. Cali Khaliifna Madaxweynenimo….”Madaxweyne kuxigeenka Puntland

Garowe:Jan,07,2015(SDN/QJ)-Madaxweyne-ku-xigeenka Maamulka Puntland Cabdixakiin Cabdilaahi Cumar Camey, ayaa ka Hadlay arrimo badan oo ay kamid yihiin Aragtida kooxda  khaatumo oo sheeganaysa Deegaanada uu madaxweyne-ku-xigeenku kasoo jeedo.

cameyrMudane Camey waxa uu tilmaamay inaanu aaminsanayn maamulka Khaatumo, waxana uu si cad u sheegay inaanu aaminsanayn Madaxtinimada Cali khaliif sheegto,

“Mawqifkayga Khaatumo ma aaminsani Cali Khaliifna anigu madaxweyne uma arko, inta la joogtaana waa soo socotaa, sababtoo ah aad baa loogu hungoobay Magacii Khaatumo.” Ayuu yidhi Mudane Camey.

Madaxweyne-ku-xigeenku waxa uu sidoo kale ka hadlay Wada-hadalladii dhawaan Somaliland iyo Somalia ku yeesheen  Magaalada Djibouti, waxana uu tilmaamay inaanu maamulkiisu aaminsanayn Natiijada wada-hadalladaas, maadaama aan iyaga lagu darin.

Madaxweyne-ku-xigeenku waxa uu sheegay oo si gaar ah uga Hadlay Qoddob ku jirey Heshiiskii dhawaan labada dhinac gaadheen oo ahaa in Hawada Soomaalida laga xukumo Hargeysa, waxana uu tilmaamay inaanay arrintaasi wax la aqbali karo ahayn, waxana uu yidhi,

“Muqdisho ma diidana Soomaalinimada, laakiin Hargeysa Somalinimada ayey Diidan tahay wax soomaali wada leedahayna Hargeysa lagama maamuli doono.”

Madaxweyne-ku-xigeenku waxa uu Hadalkan ka sheegay mar uu si gaar ah ugu warramayey TV-ga Somali Channel.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed