Muqdisho: Libaax Cadhaysan Oo Xalay Ammaanka Magaalada Khalkhal Geliyey, Laba Qofna Dhaawacyo u Geystay
Muqdisho:20-Feb-2014(SDN)-Libaax Cadhaysan Oo Baxsad ahaa ayaa Habeenkii Xalaya Magaalada Muqdisho ku Dhaawacay Tiro dad shacab ahaa oo Halkaas ku sugnaa.
Libaaxan ayaa la sheegay inuu ka soo Fakaday Goob ku Taalla Waddada Warshadaha oo uu muddo ku xidhnaa, waxana uu Halis geliyey Nolosha Boqolaal qof oo ku sugnaa Aagga oo markaas soo Galay.
Dad goobyoogeyaal ahaa ayaa Noo sheegay in Libaaxa uu Dhaawacay Laba Ruux oo ahaa Haween,kuwaas oo ku Ganacsanayey Xaafada Warshada Caanaha ee Degmada Hodan, isla-markaana ay qabaan dhaawacyo kala duwan.
Labada Ruux ee Haweenka ah islamarkaana uu Libaaxu Dhaawacay ayaa mid ka mid ah Dhawaceedu waxaa uu yahay mid aad u Culus,waxaana ku yaala Cidiyo iyo Qaniiyo uu Libaaxu u geystay.
Dhaawaca Hawenka uu Libaaxa Weeraray ayaa la dhigay mid ka mid ah Isbitaalada Magaalada Muqdisho,oo xaaladooda Caafimaad lagula tacaalayo.
Waxaa jira Tiro dad ah oo Magaalada Muqdisho ku heysta Xayawaanaad ay ka mid yihiin Libaax,Waraabe iyo Shabeel,kuwaas oo Qaab Rabaayad ahaan ah ugu Xidhan,ayadoona mararka qaar Weeraro noocan oo kale ah ay geeystaan.
Wali kama ay Hadlin dhacdadan libaaxu ku weeraray dadka shacabka ah Xukuumaddu, waxana la Filayaa in maamulku ka Hadlaan.
Libaaxii Weerarka Geystay ayaa la qabtay, waxana dib loogu celiyey Goobtii uu ka soo Goostay markii hore.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com