|

Muqdisho: Hooyadii Qaraxyada!!!

2016122635890434830778844Sawirradii_Weerarkii_Xeebta_Liido (1)Sawirkan ma ujeedaa? Bal si fiican u dhugo, oo uga il buuxso? Khadka cas dadka ku jira aad ugu daymasho dheerow. Sawirkan macnihiisa ma fahmi kartaa? Inna ba ma garan kartaa dareenka uu ka turjumayo waxa uu yahay? Bal feker, oo mala’awaal, dhacdada sawirka! Maxaa kuu baxay? Wax sidee ah?

Waa natiijo ka mid ah, weerarkii fulaynnimada ahaa, ee habeen hore makhaayadaha caanka ah, ee Liido Sea Food, iyo Beach Café, kooxda Alshabaab ay ka fulisay! Dhacdadaasi, waxa ay noqotay mid aad u saamayn badan, oo quluubta ummadda Soomaaliyeed aad u gilgishay, taas oo ilaa hadda murugadeeda, dad ay koomo ugu jiraan, dad kale na naxdintii iyo argagaxii weli la nool yihiin!!! Dadka argagaxaas la nool, ee weli xusuustooda ka daawanaya, si toos ah, halaaggii halkaas ka dhacay waxa ka mid ah, Cabdifataax, wiilka sawirkan ka muuqda, qaybta khadka casi ku wareegsan yahay! Waa muwaaddin Soomaaliyeed oo dhibbane ah! Waxa uu la nool yahay mashaqo weyn, oo aynnaan qiyaasi karin innagu. Kaba soo qaad, mushaqadii ugu weynayd, ee qof bani’aadam ah ku dhacda, in ay tahay.

Saddex ka mid ah walaaladii, oo labo gabdhood iyo wiil isugu jira, oo weli ba, gabdhahaasi mid ka mid ah ay uur lahayd, ayaa qaraxyadii goobtaa ka dhacay ku geeriyooday!!! Niciima, Fardowsa iyo Cabdiqani, caawa waa ay inaga hooseeyaan! Sida aynnu ujeedno, waxa uu hubsanayaa, oo uu aqoonsanayaa, wejiyada walaalihii. Tolow ma run baa, oo qofkan maydka ah ee dhulka waran, ma walaashaa baa? Sidaas ayaa uu u fekerayaa, marka uu walaashii marada saaran, qaybta wejiga ka fayday! Waa sababta uu walaalkeen, Cabdifataax, dhab ahaantii la murugoonayo! Waa sababta ay ilmadu xoog uga timid, ee midabkiisu u qayirmay! Waa sababta aan anigu la ooyayo, ee igu khasabtay, maqaalkan kooban, in aan ku eego arrimo muhiima, oo mudan in wax la iska weyddiiyo. Akhriste, bal suurayso oo qiyaas, dhacdadaasi haddii ay kugu dhici lahayd adiga, sida dareenkaagu uu noqon lahaa, iyo caalamka aad ehelkiisa ka mid noqon lahayd caynkiisa!!! Ma fekertay? Natiijo caynkee ah baa kuu soo baxday?

Doontii Soomaaliya markii ay badda gunteeda hoose fadhiisatay, dadkii saarnaa iyo alaabihii ay sidday ba wax ka badbaaday ma jirin! Haddii ay wax ka badbaadeenna, waa farokutiris! Muqdisho, caasimaddeenna qaaliga ah, waxa ay ka mid noqotay, oo ay ilaa iminka calanka u siddaa, magaalooyinka Soomaaliyeed ee burburkii Soomaaliya ka dhacay, saamaynta ugu weyn u gaystay, ee ilaa iyo aminka lagu jahwareersan yahay, furdaaminta xeeladaha xaaladdaa laga ga saari lahaa. Muqdisho, waa magaalo nasiib darran, oo ayaankeed in badan ka hadhay! Magaalo ahaanteedu u ma xuma, oo shakki la’aan waa boqoraddii Afrika; ee muuqaallada nololeed ee ka jira ayaa sidaas foosha xun ka dhigay, haddii aan wax laga beddeli na, meel ka sii xun ku summadayn doona! Waa magaalo dulman, oo shan iyo labaatankii sanno ee ugu dambeeyay cimrigeeda, si weyn u marti gelisay, jaambiyoonka weyn ee qaraxyada halaagga badan wata, ee ay bil iyo sannad ba ku tartamaan shabakado kala ujeeddooyin ah, oo koobka ay tiigsanayaan magaciisu yahay: “Cidhibtirka Qofka Soomaaliyeed (CQS)”!

Ururradaas kala aragtida, siyaasadda, danta iyo xeeladaha ah, bal se mid wal ba uu u ordayo, hantiyidda koobkaas weyn ee qaaliga ah, ee malaayiinka doolar ku qiimaysan, waxa ay Soomaaliya guud ahaan, Xamar gaar ahaan, ka dhigeen wacdaro layaab leh, oo dunidu ay daawadayaal ka tahay, Soomaalidu na siidhwalayaal ka tahay! Diiwaanno sooyaaleed ayaa laga samayn karaa, iyo weli ba filimmo in badan aadamuhu daawado, dhacdooyinka mucjisada ah, ee mid wal baa in lagu xusuusto qalinka ku duugay! Reer Muqdisho, waxa ay ku dhex nool yihiin god afkiisu yar yahay, calooshiisu weyn tahay, oo masas madaxyo waaweyn hoy u ah, oo ay ku dagaallamayaan! Maalin ba qof ahaan iyo wadar ahaan, mid ka mid ah masaskaas qaniinyadiisa, ayaa ay u dhintaan, ama se u dhaawacmaan! Dhibaatada jirtaa waxa ay tahay, xayawaannadaas waxa ay doonayaan iyo cidda soo dirsatay, weli si cilmiyeed loo ma gorfayn, oo indho Soomaaliyeed lagu ma baadhin!

Dalkani cudurka loo yaqaan ‘qaranjabka’ marka uu haleelay, ee sidii gaadhi bool bool u kala daatay, waxa fursado dheeman ah helay, kooxo dhuumalaysi ku jiray, ama waagii dambe madaxa la soo baxay, iyo kooxo jabkaas ka dib yimid geyiga, oo duni sharci iyo la xisaabtan ka jirin ka fushaday/ka fushada, ujeeddooyinkooda macnayaasha badan. Dhanka kale, bulshada oo lagu sheegi karo mid itaal daran, oo baahi badan qabta, ayaa shabakadahaasi siyaalo kala duduwan baahiyadaa uga faa’iidaysteen, oo shacabkii laga dhigay, wan weyn oo nin ba si u quudiyo, danta laga lee yahay oo qudha na tahay ku dagaalamidda, ciddii wankaas calfan lahayd, ee caloosheeda ku hubsan lahayd!!! Waa bartaas; barta loollanka shaatiyada badan ee Soomaaliya ka jira ku xididaysan yahay. Waxa is dagaalaya, ee isu muuqda, waa atoorayaasha riwaayadda cajiibka ah, ee MA DHAMMAATO; bal se, sida filimaanta lagu yaqaanno, cidda dhimanaysa, dhaawacmaysa, ee dhibaataysan, waa bulshada, oo ah masrixii lagu jilayay riwaayadda. Sheekada Muqdisho ka socota, halkaas ayaa ay ka abuurmaysaa, xaqiiq iyo garasho ahaan ba, dhismaheedu. “Biyo meel godan bay isugu tagaan.”

Haligayaasha Xamar ka hawlgala waxa ay adeegsanayaan, shicaarro kala duduwan, oo diin, waddaniyad iyo fikir u laabanaya, iyo xirfado aad u tayo iyo tiigsi sarreeya, oo ay ka muuqdaan farshaxannimo heer sare ah, oo cuddoon. Si loo cidhibtiro qof Soomaali ah, waxa ay u baahan tahay farsamooyin wax-ku-ool ah iyo rag carbisan oo guulo ka soo hoyn kara, shaqooyinka loo dirsado. Weyddiimaha ugu waaweyn ee ay tahay in aan is weyddiino waxa ka mid ah: Maxaa Soomaalida loo laynayaa? Ciddee laynaysa? Yaa ay u shaqaynayaan? Dalkan yaa loo wadaa in uu la wareego, oo dadkiisa keensado? Ma jiraan sababo macnaynaya xidhiidhka togan ama taban ee ka dhexeeya shabakadahaas? Soomaalida Mashruuca Cidhibtirka soo qaatay, waa maxay danahoodu? Intee in le’eg ayaa gumaadka rayidka lagu hayo sii socon doonaa, iyo boobka keysaha muuqda iyo qarsoon? Waa ayo cidda Soomaalida, gaar ahaan reer Muqdisho, nabadda u diidan? Waa ayo cidda Maxaakiimtii Islaamiga oo lix bilood nabad dunidu keeni wayday keentay ololiyay, ee wanaaggoodii baasiin ku qabtay? Waa ayo cidda qabqablayaashii gacanta siinaysay, ee markii dambe na si siyaasadaysan qaarkood u soo saaray? Waa ayo cidda ka dambaysa, ee runta ah, falalka amni darro ee caasimadda ka dhaca, habeen iyo maalin ba? Caalamkii mushkiladdii Burcadbadeedda Soomaalida xaliyey, ee weli ba hub iyo rag ku socodsiiyay qorshahoodii, haddii ay mushkiladda Alshabaab u aqoonsadeen “Mushkilad Caalamiya”, maxaa ay sagaal sanno oo dhan weli kooxdaasi u tahay mid jirta, nool, oo shaqadeedii si fiican u qabsanaysa? Dawladda Soomaaliya iyo kooxdan xidhiidh noocee ah baa ka dhexeeya? Sidoo kale maamullada siyaasadeed ee dalkeena? Run ma ka tahay Beesha Caalamku Soomaaliya in ay nabad iyo kala dambayn hesho, oo ummaddu mar uun, tiihan dabadheeraaday ka baxdo? Maxaa Muqdisho oo qudha loo bartilmaameedsanayaa, oo degelladii kale la is kaga dhaafay? Amisom yaa dalka keenay? Baahidee iyo sharcigee ayaa ay ku yimaaddeen? Xasuuqa ay maatada ku hayaan yaa ka mas’uul ah? Intee in le’eg ayaa ay dalkeenna sii joogi doonaan? Ciidan Soomaaliyeed oo tayaysan maxaa loo dhisi la’ yahay? Yaa hortaagan? Maxaa ay ku diidayaan? Labo iyo labaatanka kun ee Amisom, oo lagu daray tobannaanka kun ee ciidamada Soomaalida, ma lix kun oo kala firidhsan, oo Alshaabaab ah, ayaa ay ka adkaan kari waayeen? …

Runtii waa weyddiimo aan si dhab ah looga jawaabi karin, ama la doonayn haatan in laga jawaabo. Abaabulka qorshaysan ee caasimadda ka socda, ee maalin wal ba, xubno bulshada ka mid ah, oo qaali ah ku dhintaan, waa aan ku garaadsaday; maanta oo aan shahaaddadii labaad ee jaamacadda diyaarinayo na, waa anigan is weyddiinaya, ee aan u soo bandhigayo bulshada, si ay ugu yaraan isu weyddiiyaan, ama ciddii jawaabaha saxda ah haysaa, bulshada u la wadaagaan. Arrinta ugu weyn ee aragagaxa badani waxa ay tahay, dadka Soomaaliyeed guud ahaan, bulshada reer Muqdisho gaar ahaan, waa ay xukuman yihiin! Waxa ay ku xukuman yihiin dil; naarta dunida madax madax in ay ugu dhacaan, qof iyo wadar ahaan, oo aysan istaahilin ifka in ay sii joogaan, oo ayaamo neecawda qabow macaansadaan! Taa waxa ka argagax badan, arrintaas in aysan ogayn ama, weli ay ku baraarugin, reer tolkay! Qaraxyada Xamar ee sida roobka uga da’aya waa Ciqaab Wadareed laga dan lee yahay, qorshaha dhimashada in lagu soo dhaweeyo maadaama, quus laga muujiyay tirada wakhti ee ay qaadanayso, dhimashada qof qof!

Xamar waa ay buuxdaa, hadda na, waa ay aamusan tahay! Waxa aad mooddaa astaanta aamusnaanta in la wada aqbalay, ama ugu yaraan dan loo arkay. Taasi na waa midhihii argagaxa joogtada ah, ee sanooyin badan laga shaqaynayay! Sababta ugu weyn waxa lagu macnayn karaa, kalsooni xumo heerkii ugu sarraysay gaadhay, oo dawladda iyo u dhexaysa shacabka, iyo sidoo kale, shacabka laftirkiisa! Dhibaatada ugu weyn ee la soo deristay aqoon baadhayaasha iyo xog raadiyayaasha waxa weeye, in ay adag tahay sida loo helayo sheekada Xamar cidda si runta ah u haysa, ee uga faalloon karta; iyo weli ba, sida helitaan ka dib, dadkaasi ay ugu kalsoonaan karaan xogaha ay bixinayaan in aysan uga imaanin dhibaato, amnigooda iyo noloshooda waxyeelaynaysa. Runtii waa dareen jira, oo in la garawsado ay tahay, xog bixiyayaashu in aysan si qumman u kala garan karin, xogaha ay hayaan cidda ay tahay in ay la wadaagaan, ama la wadaagin! Waayo? Waxa ay kaaga warramayaan, shaatiyaal badan oo dad loogu soo dhuuntay, ka dib markii ay warrameenna, isla habeenkii cir iyo dhul meel la geeyay la garanayn; laga ga samray dhimasho! Shaatiyadaas waxa ka mid ahaa, shaatiga aqoon baadhista! Aqoon yahanno ayaa rumaysan, shaatiga ugu badan ee rag badan eersadeen, in uu yahay.

Haddii shalay madaxda la dilayay, maanta waa rayidka! Dilalka qorshaysan ee lagu qorifuray samafalayaasha, lagu na xijiyay dhakhaatiirta, lagu saddexeeyay saraakiisha, dabadeed, culimada iyo siyaasiyiinta laga dabageeyay, ee tan iyo burburkii socotay; waxa maanta liiskaas lagu daray, bulshada rayidka ah, ee aan wax ba galabsan, wax na ka ogayn cayaaraha socda, ee halista badan! Haddii shalay xarumaha dawladda iyo la qarxin jiray xarumaha hay’adaha shisheeye, maanta waxa la qarxiyaa goobaha ganacsi iyo goobaha bulshadu ku kala war qaadato! Qarxiska ku socda iskuullada, hoteellada, jaamacadaha, makhaayadaha, iyo masaajiddada macnayaal badan ayaa uu lee yahay. Waxa ka mid ah, dhallinyarada dalka gudihiisa wax ku baranaysa in la hammijabiyo, oo tahriib iyo xagjir, ka ay dooranayaan lagu kala daro; iyo koox wal ba oo wax og ama goob wal ba oo xog muhiim ahi ka dhex muuqato in la xannibo; la baabbi’iyo. Mar wal ba oo aan soo xusuusto Muqdisho, sawirka ugu horreeya ee maankayga ku soo dhaca, waa qarax iyo saamayn nafeed iyo hantiyeed oo uu gaystay. Sawirkaas, maankayga ilaa yaraantaydii, ayaa uu ku jiray. Waa sababta aan Muqdisho, ugu yeedho: Hooyadii Qaraxyada!. Maalin wal ba waxa ay foolataa qarax halaag badan sababa! Qaraxyada aan xusuusto, marka aan degan ahay iyo marka aan mashquulsan ahay ba, waxa ka mid ah: Qaraxii Shaamow, Qaraxii Santaraal, Qaraxii AlJasiira, Qaraxii Saxafi, Qaraxii SYL, Qaraxyadii Madaxtooyada, Qaraxii Wasaaradda Hargaha iyo Saamaha, Qaraxii Wasaaradda Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Qaraxii Makka Al Mukarrama, Qaraxii Saxafi, Qaraxii Weheliye, Qaraxii Village, Qaraxii Maxkamadda, Qaraxii Jubba, IQB. Qaraxyada Liido na waxa ay bahwadaag la yihiin kuwaas faraha badan! Waa qarax cusub oo xusuusta maankayga ku talaalmay!

Sannad wal ba dhammaadkiisa waxa aan qoraa maqaal aan ku eego, dhacdooyinka ugu waaweyn ee sannadkaas lagu xusuusan karo. Waxa la yaab leh, oo fajac mudan, sannad wal ba dhacdooyinka ay Muqdisho qoraalladayda xusuusta ku lee dahay, in ay xume ka warramayaan, iyo gaar ahaan, dilal iyo dhimasho in ay ka muuqdaan. Bal i la arag qoraalkan: “Sannadkan Sii Galbanaya (2014): Milicsiga Dhacdooyinkii Mudnaa”; bal sidoo kale, kanna i la arag: “Sannadkan Sii Galbanaya (2015): MilicsigaDhacdooyinkii Mudnaa”, maxaa kaaga baxay?! Dadka Muqdisho waxa ay noqdeen kalluun badweyn ku jira, oo dawlado kala mashruucyo iyo qorshayaal ahi, si bilaa sharci ah, u jariifayaan! Aamusnaantu haddii ay tahay dhaqan Xamar loogu yimaaddo, sida haatan hawluhu ay u socdaan, waxa soo baxaysa natiijo ah, aamusnaanta lafirkeeda in la cadaabi doono, oo dadka laga hadalsiin doono. Sidaa awgeed, haddii ay reer Muqdisho xaaladdooda si diinaysan iyo falsafadaysan u beddeli waayaan, ha ogaadaan dhagxaanta naarta ah ee firirradoodu dab lafaha burburinaya ka dhashaan, in quraac, qado iyo casho looga dhigayo, weli ba meel fog looga keenayn! Boqollaalka qof ee dulmiga isku bahaystay, ma laha awoodda ay ku hareerayn karaan, garaadka iyo doonista ummadda, haddii aysan kumannaanka qof damacoodaa waallida ah ka oggolaan. Haddii fursaddaas loo oggolaado, Muqdisho waa ay ka gudbaysaa “Hooyadii Qaraxyada”, oo waxa ay noqon doontaa “Hooyadii Qubuurayaasha”!

Aan ku soo gebagebeeyo maqaalkayga, nabadi ma dhawa inta nabad-diidayaashaasi ay ka itaal iyo feker roon yihiin nabad-doonayaasha aamusan, ee cabsida isku illaaway! Maalinka cabsidaas la iska faydo, ee fulaynnimada ceel dheer lagu hubsado, ayaa si run ah loo hubaa, shabakadahaasi in ay fashilmi doonaan, oo bulshadu nolol ay weligood ku raaxaysan doonaan, heli doonaan. Arrintaas geyllan iyo kacdoon kama maaranto. Waxa loo baahan yahay halyeeyo dhallinyaro iyo waayeelo isugu jira, oo guntiga xidha, oo nafahooda u sadaqeeya taariikhda cusub ee Soomaaliya; si ummaddu gobannimo iyo barwaaqo ugu noolaato gadaashood. La ma moodo in aynnu nahay, dadkii is beddel samaynta laga sugayay, ee xaaladda ummaddooda beddeli lahaa! Malaha waxa aynnu sugaynaa quruumo qarsoon oo inoo gargaara, oo nolosheenna qurxiya! Taasi in aysan suuragal ahayn, oo ay dhacayn, ayaa aan hubaa, adigu na hubtaa. Hadda ba, maxaa inoo dan ah? Ma fadhiga in aynnu sii macaansanno, iyo fadhikudirirka? Mise in aynnu kacaan muuqda, oo wax beddela hirgelino, dalka iyo dadka ba badbaadinno? Aniga ta dambe ayaa ay dhabtii i la tahay, ii cuntanta, oo qarannimadeennu dhegta igu sheegaysaa, si hoos hoos ah. Innaga oo ka duulayna xikmadaheenna miisaanka culus, ee ay ka mid yihiin: “Waa aan baahan ahay bakhti loo ma cuno”; “Haddii aad dhimanayso dhereerka waa la iska duwaa”, “Col hortii baa la hub samaystaa”, iyo “Haddaad dhimato geeridu mar bay nolosha dhaantaa” aynnu diinteennii iyo dhaqankeennii ka tagnay, soo ceshanno, oo shuruudaha jiritaanka ummaddeenna ilaalinno. Aynnu ku dagaal galno halkudheggan:Ama nolol, Ama Geeri”, oo oggolaanno in aynnu rogmanno, si jiilasheenna dambe ay u raaxaystaan. Haa, ay u raaxaystaan. Adigu ma nolol baa aad haysataa?!

Bal hooyadan Soomaaliyeed, ee miskiinta ah, iyada iyo wiilkeeda maxaa ay galabsadeen, oo dhiiggooda loo bannaystay? Ma daawan karnaa xaaladdan? Anigu maya. Adigu na? Alshabaab qabiil ma aha, ee waa aydiyoolajiyad e’, aynnu culimo iyo caamo ba iska kaashanno, dabargoyntooda; iyaga iyo shabakadaha kale ee muuqda, ama qarsoon, waa cadowgeenna nolosha iyo dawladnimada. Walaalihii hawada furan u yimid Liido, ee laydha macaan in ay ku raaxaystaan galabnimadii guryahooda uga soo baxay, ee farxaddii ay raadinayeen murugo looga dhigay, waa farriin la ina siiyay oo ay tahay, in aan ka falcelinno. Hantida ka burburtay bulshada, gaar ahaan labadii makhaayadood, ee Liido Sea Food iyo Beach Café, waa la heli karaa e’, walaalihii farxad-doonka ahaa, ee iilka la dhigay, ma la heli doonaa?! Ma la heli doonaa?! Yaa?

 Gobonnimo sun baa kaa xigtoo lays ma siin karo e’
 Waa Sarac ku baxa dhiig rag oo lagu Sadqeeyaaye

–       Geylame, gabyaa iyo geesi: Xaaji Aadan Axmed “Afqallooc” IHUN

Ilaahay wanaag iyo darajo badan ha siiyo ciidamadii cadowga la xisaabtamay, ee ku guulaystay hawgalkii ay qaadeen. Ilaahay ha u naxriisto intii dhimatay. Qoysaskoodii samir iyo iimaan ha ka siiyo. Inta dhaawacantay na caafimaad degdeg ah ha siiyo. Cadowgeenna na ha jabiyo. Aamiin. Aamiin. Aamiin.

FG: Sawirrada waxa aan ka soo xigtay Faysbuugga. 

DHAMMAAD

 

 

W/Q: Maxamed Cabdirisaaq Siciid ”Samiik”

Qoraa iyo aqoon baadhe Soomaaliyeed

Boosaaso, Buntilaan,Soomaaliya

Comments are closed