|

Muqdisho: Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somalia Oo Shaqada Ka Caydhiyey 18 Garsoore Xili aan Weli la Dhisin Golaha Adeega Garooska Somalia

Muqdisho 08. September 2017 (SDN/QJ):- Illaa 18 Garsoore ayaa shaqada laga eryay magaalada Muqdisho, waxaana Arrintaasi lagu tilmaamay isbeddel lagu samaynayo garsoorka dalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha maxkamadda sare Ibraahim Iidle Saleebaan ayaa wareegto uu saaray Shalay shaqada kaga eryay 18-ka garsoore oo dhammaantood ka shaqeeya maxkamadaha gobolka Banaadir iyo degmooyinka uu gobolkaas ka kooban yahay.

Guddoomiye Ibraahim Iidle ayaa xilka maxkamadda sare loo magacaabay bishii May ee sanadkii 2016-kii, waxaana xilkaasi u magacaabay Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo beddalay guddoomiyihii mudada dheer xilkaas soo hayay ee Caydiid Ilka-Xanaf.

Tan iyo xiligaas waxaa la sheegay in Guddoomiyaha uu qiimayn ku hayay tayada garsoorka dalka oo cabashooyin aad u badan laga soo gudbiyay, gaar ahaan maxkamadaha gobolka Banaadir oo dhagaysta dacwadaha la xidhiidha dhulka iyo guryaha la kala haysto.

Is-beddelkan ayaa dhacaya xili aanan wali la dhisin Golaha Adeegga Garsoorka oo shaqadiisu tahay soo xulista garsoorayaasha kala duwan ee dalka iyo dabogalka shaqada laamaha garsoorka.

Inkasta oo uu baarlamaanka meelmariyay xeerka adeegga garsoorka, haddana wali lama dhisin guddigan muhiimka ah oo ka kooban 9 xubnood, waxayna tahay in ay xubno ka noqdaan Guddoomiyaha Maxkamadda sare, Guddoomiyaha maxkamadda dastuurka oo aan iyada wali la dhisin, Guddoomiyaha guddiga xuquuqul insaanka oo aan isna wali la dhisin, xeer illaaliyaha guud ama garyaqaanka guud oo muran ka taagan yahay Fasiraadda ka Dastuurka ku qoran iyo 4 xubnood oo laga soo xulayo ururka garyaqaanada madaxa banaan.

Comments are closed