|

MUQDISHO: Gabadh reer Hargeysa ah oo la ‘ilmeysay’ Jacayl ay u qabto Calanka Somalia DAAWO

Muqdisho 20.Aug 2016 (SDN/QJ):– Naciima Abwaan Qorane, waa mid ka mid ah hal-abuurada da’da yar ee magaalada Hargeysa, waxaana hadda Naciima ay ku sugantahay magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya.

Calanka SomaliaHal-abuurad Naciima ayaa waxa ay ka mid tahay dhalinyaro badan oo reer Hargeysa ah kuwaasi oo dhawaan tagay magaalada Muqdisho – halkaasi oo lagu marti qaaday Bandhiga Buugaagta Muqdisho [Muqdisho Book Fair].

Naciima oo sidoo kale ah gabadh qoraa ah isla markaana qortay Buugga la magac baxay ‘Qoys illaa Qaran’ ayaa waxay khudbad ka jeedisay Bandhiga Buugaagta ee magaalada Muqdisho.

Hal-abuurad Naciima ayaa sheegtay in dowladdihii ka horreeyay kacaankii Soomaaliya ay ahaayeen dhashii gumaystaha, iyadoo sidoo kalena tilmaantay in dowladdi Kacaanku ay ahayd mid dhib iyo dheefba leh.

“1960kii illaa intii uu Siyaad Barre qabsaday Allaa yarxame, labadii dowladood ee ka horreeyay sida la wada ogsoonyahay waxay ahaayeen laba dowladood oo noqday dhashii gumeysiga … dowladdii Siyaad Barre waxay ahayd dowlad dhibteeda iyo dheefteedaba watada” ayay tidhi Hal-abuurad Naciima oo la hadlaysay dadweynihii kasoo qayb-galay carwada Buugta Muqdisho – iyadoo intaasi ku dartay “ Laakiin soomaalidu waxay ku xuntahay haddaad kun sano xambaarsanaato oo maalin adigoo xamraaya kaa dhaco tii uun bay xasuusan yihiin.”

Dhinaca kale, Hal-abuurad Naciima ayaa sheegtay in ay in badan raadinaysay inay hesho calan Soomaaliyeed si ay karaamo iyo sharaf ugu noolaato.

“In badan ayaan raadin ugu jiray inaan anigu helo calan soomaaliyeed oo aan karaamo iyo sharaf ku noolaado, laakiin waan ka xumahay nasiibkayga maan helin” ayay tidhi Hal-abuurad Naciima oo  ilmeynaysay.

Comments are closed