Muqdisho Fadeexad Hor Leh:- Maxaa Baasaboorka Soomaaliya Loogu qoray Kelmadda ‘Gender’? DAAWO
Muqdisho 30.October 2016 (SDN/QJ):- Fadeexad ayaa lasoo deristay baasaboorka Dalka Soomaaliya kaasi oo lagu arkay ereyo Af-ingiriisi ah oo loo isticmaalay Passportka, kuwaasi oo dhaqan ahaan iyo diin ahaanba meel ka dhac ku ah soomaalida iyo diinta Islaamka.
Passportka Dalka Soomaaliya ayaa waxa ku qoran kelmadda ‘GENDER’ oo la sheegay in looga jeedo Labeeb ama wax aan nin iyo gabadh ahayn,Inkasta oo dadka qaarna u adeegsadaan Labka iyo Dhediga balse Xaqiiqada Erey Bixintani Ku Qotonto in Gender-ku yahay nidaam ay reer Galbeedku ku Jidaynayaan in Jinsiyada isku Midka ah Sida Ragu ay Isku Tegi karaan.
Waddamada Muslimiinta ah iyo inta badan dalalka Adduunka ayaa waxa ku qoran Baasabooradooda kelmadda “SEX”
Kelmaddan ku qoran Passportka dalka Soomaaliya ayaa la sheegay in aanay ku qornayn Baasaboorada dalalka reer Galbeedka gaar ahaan reer yurub.