Muqdisho: Ciidamo ka tirsan DKMG oo dhaawacay Xildhibaan ka tirsan barlamanka
Muqdisho Dec 26,2011(qurbejoog.com)- Duhurnimadii maanta ayaa Ciidamo ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya wax ay Taalada Sayidka ee Magaalada Muqdisho waxaa lagu dhaawacay Xildhibaan ka tirsan barlamanka KMG Soomaaliya.
Ciidamada ayaa la sheegay in Xildhibaanka oo watay gaari yar oo nuuca raaxada ah ay ku amreen in uu is taajiyo, hase ahaatee intaasi kaidb ay ku fureen rasaas nool nool taasi oo keentay in Xildhibaanka uu dhaawac kasoo gaaro lugta islamarkaana loo qaado mid ka mid ah Isbitaalada ku yaala Magaalada Muqdisho.
Xasan Cabdi Aadan ‘Aalbaro’ oo ah Xildhibaanka la dhaawacay ayaa waxa uu xilliga la dhaawacay kasoo amaba baxay gurigiisa oo ku yaala nawaaxiga Taalada Sayidka, iyadoo ilaa iyo iminka aan la’ogayn sababta keentay in Ciidamo ka tirsan dowladda ay rasaas la dhacaan Mudane ka tirsan barlamanka.
Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu dilay Xildhibaano farabadan oo ka tirsan barlamanka kuwaasi oo qaarkood ku muqan gacanta Al Shabaab, iyadoo aan la’ogayn sida dowladda ay wax ugu qabanayso dhibaatooyinka Xildhibaanada ay kala kulmaan askarta dowladda.
Qurbejoog-Muqdisho