|

Munadamada Beder oo soo gaba gabaysay Dawradii ay kawaday Gaalkacyo

(Gaalkacyo) Dawradaani oo noqonaysa Dawradii  labaad oo la qabto Xiliga xagaaga ayna Munadamada (Ururka) Beder ku  qabto Magaalada Gaalkacyo islamarkaana lagu baranayay Qaar kamida  Culuumta Shareecada ayaa Xaflad lagusoo gaba gabaynayo waxaa lagu  qabtay Hoolka Shirarka ee Amal Palaza Gaalkacyo.

Xaflada ayaa waxaa kasoo qayb galay Maamulka Munadamada , Aqoonyahadii wax ka dhigayay Duruusta Dawrada , Ardaydii Dawrada ka  faaidaysanaysay, Ganacsato , Maamulka Degmada Gaalkacyo iyo Dadwayne kale.

aanka Kariimka ah ayaa Gudoomiye kuxigeenka Degmada Gaalkacyo oo Xaflada ka hadlay waxaa uu sheegay inay farxad wayn u tahay in uu Munaasabadaan kasoo qayb galo uuna ka rajayno Ardada Dawrada dhamaysatay in Waxyaabihii ay ka  faaidaysteen ay dib ugu celeyaan Bulshadooda , isaga oo intaasi ku  daray in ay yihiin Ducaada lagu tashanayo ee Mustaqbalka.

Sh.C/caziiz Sh.Cali oo isaguna Xaflada ka hadlay ayaa waxaa uu sheegay in Cilmigu uu yahay Shay qaali ah oo ilaahay uu bixiyo islamarkaana uu siiyo Qofkii uu doorto , waxaana Sh.C/caziiz uu sheegay in Cilmigu
uusan waxba tarayn hadii aan laga helin laba Arimood oo kala ah :
Ikhlaas (Ilaahay Dartii) iyo in Cilmiga uu Qofku ku camal falo , Waxaana Shiikhu uu Ardada ku booray inay Han sare yeeshaan oo ku aadan  u gargaarida Diinta Muslimiinta.

Gudoomiyaha Munadamada Beder Muxamed C/laahi Cali (Sayid) oo isaguna Xaflada ka hadlay ayaa wuxuu ka warbixiyay Dawrada isagoo sheegay in Ardadu ay qaateen shan Maado oo kala ah :
البحث العلمي  يدرسه إبراهيم طاهر أحمد
الفرائض يدرسه عبدالرحمن عبدالنور عبدالله
القواعد الفقهية يدرسها عبدالرزاق عبدالله طاهر
مصطلح الحديث يدرسه يعقوب يوسف حسن
دور الشباب في المجتمع يدرسه الدكتور آدم محمد عجال
Dawrada oo soconaysay Muddo Bil ah 19.Shacbaan ilaa 19.Ramadaan.1435 kuna beegnayd 17.06 ilaa 17.07.2014ayaa Ahdaafta laga lahaa waxay kusoo koobmaysaa :-
1.In la Muujiyo in Diinta Islaamku ay la jaanqaadayso Marxalad walba oo Horumarka Aduunku uu gaaro.
2.In la Helo Dhalinyaro awood u leh inay Baaraan Masaaisha Culuumta Shareecada.
3.In la soo nooleeyo Culuumta Barashadoodu ay aadka ugu liitaan Dadwaynuhu.
4.In la Dhalinyarada la Xifdisiiyo Mutuunta soo koobaysa Aasaasiyaadka Funuunta Culuumta Shareecada.
5.in la soo saaro Dhalinyaro Fahansan Kaalinta kaga aadan Bulshada xaga Horumarka , Dacwada , is badalka , iyo wax soo saarka.
6.in la baro Dhalinyarada Qaacidooyinka ay soo hoos galayaa Masaaisha Diinta ee Fiqiga ah intooda badan.

Dhanka kale waxaa isaguna ka hadlay Xaflada Dr.Aadam Muxamed Cigaal Gudoomiyaha Jaamacada Bariga Afrika faraca Gaalkacyo oo kamida ahaa min oo ku Minhaaj , C/shakuur Xirsi Qureex Maamulaha Amal Bank Gaalkacyo oo isaguna ku hadlay Magaca Ganacsatada.
Gaba gabadii waxaa Ardayda Kaalmaha hore gashay la gudoonsiiyay Abaalmarino Qaali ah iyada oo si gaar ahna Lacago Abaalmarin ah loo gudoonsiiyay Sadexda Arday ee ugu darajada Sareeyay Imtixaanka Dawrada.

Ardayda Kaalmaha hore galay waxaa ay kala ahaayeen :-
Kaalinta        Magaca                 Xarunta Waxbarasho       Darajada
1aad    Fardawsa Muxamed Cali   Ibnu Xajar (Bosaso)     99.8
2aad    Asmaa C/razaaq Jaamac   Machadka Al-Faruq       98.8
3aad    Caaisha C/laahi Warsame Machadka Al-Faruq       98.4
4aad    Farxiyo Faarax Jamac    Ibnu Xajar (Bosaso)     98.2
5aad    C/laahi Axmed Faarax    Cumar Samatar           98
6aad    Ijaabo C/razaaq Jaamac  Machadka Al-Faruq       97.6
7aad    Zahra Yuusuf Axmed             Machadka Al-Faruq        97.6
8aad    C/raxmaan Faarax Bootaan          Yamays                97.2
9aad    Deeqo C/qaadir Xirsi                                            96.6
10aad   Samiira C/rashiid Cali  Machadka Al-Faruq       96.6

Xoghayaha Munadamada : Cabdiraxmaan Cabdinuur Cabdulaahi

Displaying DSC09573.JPG

Displaying DSC09581.JPG

Displaying DSC09582.JPG

Displaying DSC09587.JPG

Displaying DSC09592.JPG

Displaying DSC09594.JPG

Displaying DSC09595.JPG

Displaying DSC09599.JPG

Displaying DSC09603.JPG

Displaying DSC09625.JPG

Displaying DSC09619.JPG

SDN/QJ-Gaalkacyo

contact@qurbejoog.com

Comments are closed