Munaasibad loo sameeyay Mashruuca Kalluumaysiga oo Hargaysa lagu qabtay
Hargaysa 08.Sep 2013 (SDN)- Wasiirka Wasaarada Kalluumaysiga Mud, Cali Jaamac, oo uu weheliyo wasiirka Qorshaynta Mud,Sacad Cali shire ayaa maanta ka qayb galay Xafladu lagu soo bandhigayey Mashruuc xagga kaluumaysiga ah oo ay wasaarada kaluumaysigu La waday Hay’adda Sofreko oo uu Baanka aduunku u Igmaday inay la shaqayso Wasaaradda khayraadka iyo kaluumaysiga, taasi oo lagu qabtay Xarunta wasaaradaasi ee Hargeysa.
Wasiirka qorshaynta Mud,Sacad Cali shire,oo ugu horayn halkaa ka hadlay ayaa waxa uu tilmaamay in heshiiskani uun dhowr weji leeyahay,oo uu mid yahay sidii ay shirkadu wasaarada uga caawin lahayd Siyaasadda Guud, midna waxa uu jy saabsan yahay dhinaca Xog ururinta ay uga caawin lahayd.
Mudane Sacad cali shire waxa uu intaa raaciyey in heshiiskan uu ku juiro oo kale wacyi gelin dadka loo samaynayo. Waxaanuu xusay Mudane Sacad inuu yahay qaab aad u wanaagsan , wasaad qorshayn ahaana ay dhiiri geliyaan.
Wasiirka wasaarada kaluumaysiga Mud,Cali Jaamac,oo isna halkaa ka hadlay ayaa sheegay ,inKulankan ujeedada ay u qabteen ay tahay sidii ay u soo bandhigi lahaayeen Mashruuc laba sanadood mudadiisu ahayd oo ay wasaarad ahaan la wadeen hay’adda Sofriko, Baanka adduunkuna uu maal geliyey.waxaanuu wasiirku xusay in ay sameeyeen heshiis ay labadooda dhinac wada galeen,waxaanuu wasiirku intaa ku daray in Mashruucan oo ay haatan muddo toban bilood ahi ka hadhsan tahay ay doonayaan in tobankaa bilood lagu fuliyo, laguna soo ururiyo mashruuca loogana faa’iidweeyo dalka.
Mudane Cali Jaamac faarax-Buureed-, waxa uu tilmaamay in mashruuca uu markii hore dib u dhac ku yimid, sidaa darteedna ay labadooda dhinac haatan galeen heshiis tobankaa bilood ah in howshii mashruuca lagu dhamays tiro.
Waxa kale oo iyana halkaa ka hadlay Isuduwaha Baanka adduunka u jooga Somaliland Najiib Xasan Xaashi iyo Maxa baanka Aduunka ugu qaabilsan iyo Madaxa Hay’adda Sofriko, waxaanay dhamaan tiooda ka hadleen mashruucan ay wada wadaan wasaaradda kaluumaysiga iyo qorshaha la doonayo in loo fuliyo.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog