Munaasibad ay ku Midoobeen Toban Shirkadood oo adeega Korontada bixiya oo Hargaysa lagu qabtay
Hargaysa 16.Dec 2013 (SDN) Wasiirada wasaaradaha macdanta iyo Tamarta iyo qorshaynta qaranka , ayaa maanta ka qeyb galay munaasibad balaadhan oo ay ku midoobayeen toban shirkadood oo ka mida shirkadaha adeega tamarta korantda ee caasimada hargaysa.
Munaasibadan oo ka dhacday Huteel Guuleed waxa kasoo qeyb galay gudoomiyaha rugta ganacsiga Md maxamed Shukri , musharaxa Madaxweynaha Xisbiga Ucud Md Jamaal cali xuseen , duqa caasimada hargaysa Md Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid [soltelco] waxaana halkaasi ka hadlay gudoomiyaha shirkadaha tamarta leydhka ee midoobay ee Almis Electaric Company [ ALEL ] Md Maxamed Cabdiraxaam Faarax Sugaal kaas oo ka waramay waxyaabaha sababay midawga tobanka shirkadood isagoo tilmaamay in iaygoo ka shidaal qaadanaya baahida loo qabo shirakado koranto oo casri ah islamrkaa laga gudbo hanaankii hore ee ay adeegsan jireen shirakadaha leydku si ay adeeg dhamaystiran u helaan macmiisha loo adeegayaa.
Gudoomiyaha Rugta gancsiga Somaliland Md Maxamed Shukri oo ka hadlay xafladaasi ayaa sheegay in uu soo dhawayanayo midawga shirkadaha midoobay islamrkaa ay faa iido balaadhan u leedahay hanaanka ganacsi iyo dhaqaale ee bulshada waxaanu intaa ku daray in shirkadaha korantada ee madaxa banaani in duruufo adag ay kala soo baxeen bulshda maanta ay meel fiican marayaan
Wasiirka tamarta iyo macdanta Md Xuseen Cabdi Ducaale oo xaflada hadalo kazoo jeediyay ayaa sheegay in mudadii uu xafiiska joogay in uu ka hawl galay sidii uu u midayn lahaa shirkadaha korantada dalka sidaa darted uu aad usooo dhawaynayo midawga shirkadahaasi , waxaanu intaa raaciyay in ay wasaarada tamartu iyo macdantu ay diyaarisay sharcigii adeega tamarta kaasoo wax badan ka tari doona isticmaalka iyo helitaanka tamar ku filan dalka gaar ahaan magaalooyika waaweyn.
Wasiirka wasaarada qorshaynta ,Musharaxa Madaweynenimada Xisbiga Ucid iyo Duqa caasimada Hargaysa oo halkaasi hadalo soo dhawyn iyo mahad naq ah kazoo jeediyay xafladaasi ayaa ku amaanay shirka ALEL midawga ay ku midoobeen iyagoo u rajeeyay guul iyo shaqo wanaagsan.
Sheekh Aadan Maxamuud Xirsi(Aadan Siiro) oo isaguna munaasibadan ka hadlay ayaa soo dhaweyey midawga dhex maray shirkadahan laydhka ee magaalada Hargeysa oo uu qayb ka yahay, waxaanu sheegay in la horu marin doono adeega ay bixin doonto shirkadan ay ku midoobeen.
Sidoo kale musharaxa madaxweynaha ee xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen, maayarka caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Soltelco, wasiirkii Hore ee warfaafinta Somaliland Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale Boobe oo iyaguna munaasibadan ka hadlay ayaa soo dhaweeyey midawga dhex maray shirkadahan waxaanay tilmaameen inay kor u qaadi doonto adeega la siinayo dadka isticmaal laydhka shirkadahani.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com