|

MUNAASABAD BALAADHAN OO LAGU SOO DHAWAYNAYEY GUDOOMIYAHA XUSBIGA UCID ENG FAYSAL CALI WARAABE

Helsinki Mar 26,2012(SDN)-Waxaa lagu qabtay  24/03/2012  caasimada wadanka Finland ee Helsinki xaflad aad loo soo agaasimay oo lagu soo dhawAynayey gudoomiyaha xusbiga cadaalada iyo daryeelka UCID Eng.  Faisal cali Waraabe kaas oo hada ku sugan wadanka finland.
 
Xafladan oo kulmisay dhamaan jaaliyada soomaliland ee ku dhaqan  wadanka finland  waxaa si-wayn uga dhex-muuqday haweenka, dhalinyarada iyo  waxgaradka  reer  Finland, waxaa iyaguna  ka soo qaybgalay madaxda jaaliyada reer somaliland eeWadankan Finland ,  wakiilka xusbiga kulmiye ee Finland iyo madax kale oo tiro badan.
 
 
Xafladan oo oo ay siwayn u soo qaban qabiyeen taageerayaasha xusbiga UCID ee  wadanka finland ku dhaqan,  kuwaas oo si wayn u muujiyey tagaareerada ay u hayaan xusbiga ucid iyo sida ay ugu heelan yihiin kor u qaadida sumcada iyo jiritaanka xusbiga UCID iyada oo ay dhamaan xubnihii halkaas ka hadlay si wayn ugu dheeraadeen taariikhda xusbiga ucid uu ku leeyahay wadanka Finland iyo kaalintii ay reer Finland ka soo qaateen aasaaskii  iyo taabagalintii xusbiga.
 
sidii Caadada ahaydna waxaa lagu furtay aayadaha Qur,aanka Kariimka waxaana akhriyey Sheekh KHadar, kadibna waxaa bilaabmay Khudbadihi dadki kazoo qayb galay Xaflada Iyo Madaxdi Xisbigaba. 
 
Waxaa ugu horayntii halkaas ka hadlay gudoomiyaha xusbiga UCID ee wadanka Finland   mudane Ahmed Mohamed Faarax (shiine) isaga oo ugu horaytii u mahad celiyey  taageerayaasha xusbiga ee wadanka Finland kuwaas oo aan u kala hadhin soo dhawaynta gudoomiyaha xusbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe.
 
waxa kale uu sheegay in uu wadanka Finlad yahay wadankii xusbiga UCID laga aasaasay islamrkaana uu yahay wadanka kaliya ee si aan kala hadh-lahayn looga taageersan yahay.
 
waxa kale oo uu aad ugu dheeraaday in xusbiga UCID aanu hoos u dhac ku iman marna iyada oo uu sheegay in taageerayaasha xusbigu aanay jirin maanta maalin ay ka tira badan yihiin gaar ahaan reer Finland ay hiil iyo hooba la garab taagan yihiin xusbigoodii ay aasaaskiisa lahaayeen.
 
Waxaa iyaduna goobta ka hadashay gudoomiyaha garabka haweenka xusbiga UCID ee wadanka Finland Nasra Ibraahim Osman iyada  aad ugu dheeraatay sida ay haweenka reer Finland  heeganka ugu yihiin taageerada xusbiga UCID iyada oo sheegtay in ay dhamaan taageerayasha goobta ku sugnaa isaga kala yimaadeen gobolada wadanka Finland oo dhan si ay u muujiyaan taageerada ay u hayaaan Xusbiga UCID iyo gudoomiyahooda Eng. faysal Cali Waraabe, Nasra waxa ay kula dardaarantay tageerayaasha xusbiga ee wadanka Finland in ay hawlahoodii iyo taageeradoodiiba sii dardar galiyaan.
 
sidaas oo kale waxa isna halkaas ka hadlay Khadar Mohamed Jaamac  oo ka mid ah garabka dhalinyarada xusbiga UCID ee wadanka Finland isaga oo si aada uga hadlay taageerada ay dhalinayarada reer Finland u hayaan xusbiga UCID , khadar waxa kale oo uu ka hadlay siyaasada xusbiga ucid ee ku saabsan dhiirigalinta dhalinyarada ee ka qayb galka siyaasada isaga  oo sheegay in xusbiga UCID yahay xusbiga kaliya ee dhalinyarada reer Somaliland siiyey saami balaadhan oo xaga hogaamintas xusbiga ah.
 
Intaa kadib waxaa isaguna halkaas ka hadlay gudoomiyihii hore ee wakaalada qurbajoogta somaliland mudane Saleebaan Mohamed Faarax (Saleebaan Dheere) isaga oo aad ugu amaanay taageerayasha xusbiga UCID ee wadanka Finland sida aan kala hadhka lahayn ee ay u soo dhaweeyeen gudoomiyahooda mudane Faysal  Calai Waraabe isaga oo tilmaamay in taageerayasha xusbiga UCID ee wadanka Finland ay yihiin qaar si aad ah isugu duuban oo mar walba heegan ugu jira   taageerada xusbigooda.
 
waxa kale oo saleebaan dheera sheegay in hadii ay xusbiga kulimiye yihiin ay aad u  soo dhawynayaan guusha xusbiga UCID iyo gudoomiyahoodaba maadama ay mudo badan soo wada ahaayeen laba xusbi oo mucaarad ah , inkasta oo KULIMYE yahay xusbi muxaafad ah hadana mudo badan ayaanu xubiga UCID mucaarad wada ahayn cidaanu guusha kala jecelahayna ma jirto hadii ay noqoto xusbiyada kale sidaa waxa yidhi saleebaan dheere oo ka hadlaayey madashii xaflada.waxa uu ugu dambayntii saleebaan ka dhawaajiyey in gudoomiye Faysal Cali waraabe yahay nin himilo siyaaseeed oo aad u fiican leh isaga oo sheegay in mudo  badan ay wadanka Finland ku wada nolaayeen faysal goob joogna ka ahaa hawlo badan oo uu u qabtay umada reer somaliland taariikhduna ay xusi doonto.
 
Gudoomiyaha Jaaliyada Somaliland Xasan Cali Sadexle ayaa isna goobta kasoo jeediyey hadalo ku aadan munaasibadan soo dhawaynta ah ee loo sameeyey Gudoomiyaha Xusbiga Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe, isagoona xusay inuu yahay Mudane Faysal shaqsigi aasaasay Jaaliyada Somaliland, isla markaasna kasoo qaatay kaalin weyn hawlihi ka socday dalkan Finland ee Bulshada Somaliland ku aadanaa.
 
Ugu danbayntiina wuxuu kula dardaarmay Jaaliyada Somaliland ee ku dhaqan wadankan Finland inay marwalba muujiyaan isku duubnaan, meelna ugasoo wada jeestaan waxwalba oo soo wajaha,, isagoona xusay inay Jaaliyadu tahay meel usiman dhamaan Xisbiyada Somaliland.
 
Gebagabadi Xaflada ayaaa waxaa khudbad qiima badan oo isugu jirtay waxyaaba badan kasoo jeediyey Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe.
 
Gudoomiye Faysal waxa uu ugu horanti umahad celiyey dhamaan taageerayaasha xisbiga UCID ee Wadanka Finland ee usameeyey soo dhawayntan qiimaha badan, isagoona xusay inay yihiin Aaasaaski iyo gundhigi xisbiga UCID.
 
Sidoo kale wuxuu kawar bixiyey Shirki London, isagoona sheegay inay Weftidi Somaliland ee uu kamid ahaa ay guul weyn kasoo hooyeen Shirkaas, taaso uu ku sheegay inay beesha caalamku si dhab ah u aqoonsadeen in ay Somaliland iyo Somalia uwada hadlaan habki laba dawladood oo kale, danahoodana ku dhamaystaan wada xaajood.
 
wuxuu kaloo wax ka taabtay dhamaan hawlaha dalka kasocda tusaale arinta Khaatumo State oo uu ugu baaqay dadka hawlahaas wada in hab  nabadgalya ah wax lagu wada dhameeyo, ayna soo fadhiistaan miiska wada hadalka.
 
sidoo kale wuxuu aad ugu dheeraaday xaalada xisbuga UCID uu hada ku suganyahay, wuxuuna tilmaamay in Xisbiga UCID aanu weli liicin, hawlihii xisbiguna ay usocdaan si wnaaagsan, taageeradi uu xisbigu hore uhaystayna aanay jirin wax ka lumay, isaga oo ku tilmaamay xubnihi ka baxay Xisbigana inay ahaayeen qaar aaan awalba waxba ku biirin jirin Xisbiga, isla markaana aanu xisbigu waxba unoqon doonin.
 
waxa uu ugu danbaynti taageerayaasha uu kula dardaarmay in xisbiga UCID taageeradi ay uhayeen sii laban laabaan, isla markaasna marxaladan hada lagalayana la muujiyo dadaal dheeraad ah, si looga gudbo xaalada siyaasadeed ee taagan, uuna aaminsanyahay inay siday horeba ugasoo gudbeen tartanadi hore ee Xisbiyada ay maanta tan uga gudbayaan.
 
dhanka kalena wuxuu tilmaamay xisbigu maanta inuu marayo meeshi ugu wnaagsanayd, marka la barbardhigo meesha uu taagna 10 sano kahor marki ay ku guulaysteen doorashadi ugu horaysay, una soo baxeen xisbi Qaran,.
 
Gunti iyo gebagabadi Xafladan ayaa waxay ku dhamaatay jawi aad uwanaagsan, oo ay ku dheehantahay farxad iyo raynrayn.
 
 
 
Af-hayeenka UCID Ee Wadanka Finland
Garyaqaan Jamaal Maxamed Maxamuud
Helsinki-Finland
Jamaal572@hotmail.com

Comments are closed