Mulkiilayaasha Huteellada Muqdisho Oo Looga Digay Shirar Lagaga Hadlayo Khilaafka Madaxda Dawladda
Muqdisho:Oct,28,2014(SDN/QJ)-Dhammaanba Mulkiilayaasha Hutelada kala duwan eek u Yaalla Muqdisho, ayaa la siiyey digniino la xidhiidha in lagu qabto shirar lagaga hadlayo khilaafka Madaxweynaha iyo Ra’isal wasaarihiisa.
Hay’adda Nabad Suggida ee Gobolka Banaadir, ayaa waxay dhammaan mulkiila-yaasha hoteelada u jeedisay, in uu sharciga ka horimanaayo shirarka la xidhiidha khilaafaadka Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha, waxana ay u sheegtay hutelada inaan wax shir ah oo arrimahaas la xidhiidha lagu qaban doonin.
Nabad Suggida, ayaa sidoo kale cadeysay in wax lagu Khalkhalgelinaayo xasiloonida Magaalada Muqdisho, ay u aragto shirarka gaar gaarka ah, ee markaasi lagu lafa guraayo khilaafaadka Sabtidii soo shaac baxay, ee hogaanka Dowladda u dhaxeeya.
Nabad Suggida waxay kaloo muujisay inaanay ka soo horjeedin kulamada ay hoteeladu ku yeelanayaan Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, balse ay saluugsan tahay kulamada ay ku yeelanayaan Odayaasha Dhaqanka iyo Siyaasiyiinta, ee markaasi looga hadlaayo khilaafaadka xilligaan taagan.
Odayaal Dhaqameedyo doonaayay inay kulan ku yeeshaan mid ka mid ah hoteelada Magaalada Muqdisho, ayaa laga horjoogsaday inay ku kulmaan, iyadoo Maamulka hotelkaasi ay u sheegeen inaanay fasax u qabin, in Odayaashu ay ku kulmaan hoteelkooda. Haddii ayba ka hadlayaan khilaafka toddobaadkaan soo shaac baxay.
Xoogaga Nabad Suggida, ayaa waxay fiidnimadii xalay Magaalada Muqdisho ku xidheen mulkiilaha hotelka Maka Al Mukarama Gurey Xaaji Xasan, waxaana la sheegay in lagu heysto, isagoo si dhow ula shaqeeya Ra’iisal Wasaare C/weli Sheeh Axmed, isla-markaana uu isku soo duba rido xubnaha uu la kulmaayo Ra’iisal Wasaaruhu.
SDN/QJ