Mulkiilaha Shirkada Dahabshiil Maxmed Siciid Ayaa Ka Dhaartay Inaanu Waxba Ka Ogayn Dilkii Saado Cali Warsame DAAWO
Hargaysa 22.March 2016 (SDN/QJ):- Dilka Fannaanadii Caanka ahayd ee Saado Cali Warsame oo Koox dablay ahi ku dhex Khaarajiyeen Gudaha Magaalada Muqdisho oo ay ka tirsanayd Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Somalia ayaa lala Xidhiidhiyey inuu ku lug lahaa Mulkiilaha Shirkada Dahabshiil Maxamed Siciid.
Kulan dhex maray Labada raas ee ay ka soo kala Jeedaan Maxamed Siciid Dahabshiil Iyo Saado Cali ayaa ku soo dhamaaday in Mulkiilaha Shirkada Dahabshiil uu ka dhaartay inaanu waxba ka ogayn dilkaas.