Mulkiilaha Shirkada Caanbaxday ee Microsoft Mr Bill Gates oo Amaan Dul dhigay Nidaamka Xawaaladeed ee SAAD ee Shirkada Telesom DAAWO
Washington 28.Oct 2014 (SDN/QJ)- Ninka ugu qanisan dunida ahna mulkiilaha shariikadda ugu weyn dunida ee Microsoft, Mr. Bill Gates ayaa ku ammaanay shariikadda TELESOM ee Somaliland adeegeeda Mobileka ee loo yaqaano ZAAD iyo weliba nidaamka xawaaladda ee internetka ee ay TELESOM fududayso ee WORLDREMIT.
Mr. Gate oo hadal ka jeedinaayey shirka bangiyada caalamiga ah ee ku bahoobay nidaamka lacagaha la iskugu gudbiyo ee Swift loo yaqaano, shirkaasi oo loo yaqaano Shirka Banigada Sibos oo ka dhacay badhtamahii bishani magaalada Boston ee dalka maraykanka, ayuu Bill Gate markii ugu horaysay ku soo hadal qaaday magaca Somaliland isagoo ammaanaya shariikadda Telesom wuxuu yidhi “arrinta ugu weyn ee maanta dhaqaalaha dunida seddexaad kobcisay waa aaladda Digitalka oo ay u bedeleen lacagtii, nidaamkaasi oo loo yaqaano nidaamka xawaaladda lacagta, waxay dalalkaasi ku bedeleen nidaamkii gaboobay in toos telefoonadda gacanta iyo weliba internetka lacagaha la iskugu diro, nidaamkii hore ee gaboobay ee ahaa in bangiyadu lacagta xawilaan ama boosta la iskugu diro oo ahaa mid aad u caajis badan, isla markaana ahaa qaali, nidaamkani cusub wuxuu noqday mid yeeshay aaminaad, iyo isku hallayn ay macaamiishu helleen, waxaana uu caan ku noqday magaalooyinka iyo goobaha miyiga ah ee go’doonsan”
Isagoo Mr. Bill Gate ka sii hadlaya arrintani wuxuu yidhi “Arrintani waxay noqotay mid bedeshay lacagtii adkayd ee la is dhaafsan jiray, waxaana loo bedelay in lacagtii noqotay mid Digital ah oo la is dhaafsanayo, dalalka nidaamkani hirgeliyey oo aad badankiin aydaan filayn inaad iga maqashaan ayaa waxaa uu yahay dalka Somaliland oo shariikadeeda telefoonadda ee TELESOM ay nidaamkani casriga ah hadda ku shaqayso, dadka Somaliland waxay badiba ka maarmeen lacagtii adkayd ee ay is dhaafsanayeen, waxaana naadir noqotay in lacag kaash ah lagu arko suuqyada, taasina waxay kordhinaysa aaminadda iyo ammaanka dhaqaalaha iyo lacagta” ayuu yidhi Mr. Gate.
Hoos ka daawo Bill Gate oo Sharaxaya