Mujj Xasan Ciise:Taariikhdaa Xusi Doonta in Dawlada Xamar ay Britain ka kasbatay Xukuumada Axmed Siilaanyo
Hargeysa Mar 18,2013(SDN)-Gudoomiyaha ururkii Xaqroor ee ku haray tartankii ururada siyaasiga ah ee Somaliland Md Xasan Ciise Jaamac ayaa sheegay in Xukuumada Xamar ay ta Somaliland uga dheereysay kasbashada dalka xiriirka ugu dhaw la lahaa Somaliland ee Britain.
Mujaahid Xasan Ciise oo hore mar u noqday madaxweyne ku-xigeen ayaa sheegay in dhacdadaasi noqon doonto mid taariikhda u galeysa xukuumada madaxweyne Axmed Siilaanyo.
“Dawladeenu xageey ku maqneyd intii Xamar cilaaqaadka la sameysaneysay London,tani waxa ay ka mid noqon doontaa khaladaadka wasaarada arrimaha dibedda ee Somaliland, taariikhduna waa ay xusi doontaa”ayuu yiri Muj Xasan Ciise Jaamac.
“Geesinimo ma aha hanbalyana ma mudna in madaxweynuhu qaadaco shirka London ee May,Bisada halkaa mareysaa garaneysa in aanan Somaliland shirkaa looga baahneyn”ayuu mar kale yiri Mujj Xasan Ciise.
Xasan Ciise Jaamac ayaa saxaafada kula hadlay magaalada Hargeysa mar uu ka warbixinayay wadahadalo ururkiisa iyo xukuumada Somalilan u dhexeeya.
SDN-Hargeysa
hargeysa@qurbejoog.com