|

Mujj Cali Gurey:Silanyo wadanka uu madaxwaynaha ka yahay waxa uga war roon islaanta gidaarka ku iibinaysa inta yar ee tamaandhada ah

Hargeysa Sept 15,2013(SDN)-Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga UCID Md Cali Gurey ayaa sidii ugu adkeyd uga hadlay ogaalka Xaalada dalka ee madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale waxa uu si badheedha u sheegay waxa la gudboon reer Somaliland hadii la waayo xal loo dhan yahay oo cadaalad ku saleysan oo lagu maamulo hawlaha shidaal sahaminta dalka,hadaladiisiina waxa ka mid ahaa:”Silanyo maaha cidda hadlaysaa ee waa laga dhex hadlayaa. Lakiin ha loo diyaar garoobo waynu la gudhinaynaa kuwa toogada, musuq maasuqa, eexda iyo qaraabo kiilka moodaya inay inagu xukumi karaan eh. Isaga, Silanyo wadanka uu madaxwaynaha ka yahay waxa uga war roon islaanta gidaarka ku iibinaysa inta yar ee tamaandhada ah, wax uu og yahay iyo wax uu garanayo midna ma jiro. Isaga iyo tuugta uu adeerka u yahay cidda ay hadidi karaan ha hadidaan.

Waxan se idiin sheegayaa mashruucii GENEL indho la’aan dambe anigu ku taageeri maayo. Ha kala door taan isaga iyo inamada uu u adeerka yahay in wax la wada leeyahay iyo nin ba wixiisa gaar u yeesho.

Ninkii cid xoogi karaya na waa u fasax. Sahanka shidaalka wax ka socon karaa ma jirto hadii aan wixii ka qaldan la sixin oo aan cadaaladda la sugin. Ninka walaal diidaa isagaa cirka roob ku og cidii uu sandulayn karo ha sanduleeyo.

Walaahi hadii aynu xumaantaa aynu wada ognahay ee aynu wada arkayno, dunida oo dhamina inla wada arkaan aynu uga baqano inamadan yar yar ee buuryo qabka ah ee indho la’aanta uu ku daafacayo in aan Somaliland sac sac ka raacayne intay goor goor tahay ha la tashado hadii ay diideen in la wada tashado”.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed