Mujj Cali Gurey oo ka hadaly Wasiiro Mucaaridka weeraray:War Jiraa Cakaaruu Iman
Hargeysa Sept 12,2013(SDN)-Guddoomiyaha sadexaad ee xisbiga Mucaaridka ee UCID ayaa jawaab ka bixiyay hadalo jawaaba oo ka soo yeeray wasiiro ka tirsan xukuumada madaxweyne Axmed Siilaanyo oo dafirayay eedo mucaaridku u jeediyeen.
Mujj Cali Gurey ayaa hadalada uu arinkan k ayiri waxa ka mid ahaa”Xukuumadda oo magaceeda maanta ay ku hadlayeen wasiiro ka tirsani nuxurka shirka jaraa’id ey qabteen wuxu ahaa in wax kasta oo mucaaridku ku dhaliilo xukuumaddu uu yahay been aan sal iyo raad toona lahayn. Waan jeclaan lahaa in ceebaha ay xukuumadda ku sheegaan mucaaridka aan ka midka ahay oo dhami ay noqdaan kuwo aan jirin. Waan jeclaan lahaa hadii humaaga wasiirada xukuumaddu uu run ahaan lahaa oo aan wax wanaagsan mooyee sida ay jecl yihiin wax inaga xun iyo wax inaga qaldan aan midna jirin.
Laakiin xaqiiqada dalka ka jirta waanu og nahay iyaga laftoodu na way og yihiin mana nihin iyaga iyo anaga mucaaridka ah oo keliya inta og xaqiiqada Somaliland ee maanta. Waxa og in badan oo wax garadka Somaliland ah, waxa og heerka uu musuq maasuqu gaadhsiisan yahay bulshadamcaalamka gaar ahaan daneeya yaasha Somaliland iyo deeq bixiya yaasha markii ay yaabeen joojiyay maalgelintii ay u hayeen kuwii ugu waawaynaa ee ugu muhiim sanaa dalka qaarkood. Waxa ka mid ah madhruucii EUdu maalgelin tiisa hayso ee wadada Berbera/Tog Wajaale oo markii la gaadhay bixintii qandaraaska wasiirka madaxtooyadu ku war geliyay wakiilkii EUda arin ka fajicisay oo cid waliba ay garan karto qorshaha iyo cidda ka dambaysay oo ahayd “waa la baabi’iyay haya’ddii wadooyinka haya’d kale oo wasiirka madaxtooyada hoos timaada ayaa la sameeyay ee lacagta iyada u dhiiba”, taas oo micnaheedu yahay Xirsi ha maamulo lacagta mashruuca. Arinkaa oo wakiilka EUdu, sida laga yaabo in qaar kiin aad ka akhrideen warbaahinta ama hadaba ka akhriyi kartaan Bogga Internet ka SomalilandPress iyo qaar kaloo badan wuxu xusay in wasiirka hadalkiisu uu ka ahaa jaahilnimo iyo in arinku yahay musuq maasuq la doonayo in lacagta mashruuca loogu leexiyo jeebab dad gaar ah oo madax ihi leeyihiin. Ma mucaaridka ayaa yidhi mise ilaa maanta ayay lacagtii mashruuca EUdu u haysaa uu u xaniban yahay Xirsi ha loo dhiibo.
Waar ma waxa been ah sidii qandaraasyadii mashruuca sahanka shidaalka loo bixiyay ee eexda iyo qaraabo kiilka ahayd ee ilaa dadka degaamada hawsha mashruucu ay wada og yihiin, inta goor ee la isku sigtay na ay og nahay. Ma waxa been ah shirka da GENEL in ka bixi taankeeda Somaliland ku xidhiidhisay sababo dhinaca amaanka ah, sida uu xusay wargeeska Wall Street, ee maraykan ka ahi.
Waar ma waxa beena mashruucan madaarka Hargeysi inu qabyo yahay oo la dhamays tirin, hadana goor iyo ayaan dadka loo sheegayo in madaxwaynuhu furay madaarkii Hargeysa oo dayuuradaha dunida ugu waawayni ay soo fadhiisan karaa, taas oo dadka looga dhigayo in mashruucii la dhameeyay lacagtii Kuwait ay bixisay na la geliyay oo been ah
Waa kuwee kuwa af xumo iyo cay ka hadlayaa, ma kuwii Gudoomiyaha UCID uf lahaa ee waa basaas oo wuu na basaasi jiray lahaa ee cidii xumaantooda farta ku fiiqda ba yidhaa way waalan yihiin oo madkaxday wax uga dhiman yihiin yidhaa iyada oo xaqiiqada cidda xiskeedu dhiman yahay ay xog ogaal u nahay hadana aanu afka ka dhawrno.
Ugu dambaystii waxan leeyahay waar hadaanaan weelkii Axmed Silanyo iyo xisbigiisa Kulmiye ay wax ugu miisi jireen xukuumadii UDUB wax idiinku miisin idinkaa buro sidtee afkiina haystay. Hadii kale cirka sare badh soo dumiya”.
SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com